Maxaa U Sahlay Raysal Wasaaraha Itoobiya Inuu Ku Guulaysto Abaal Marinta Bilada Nabada Aduunka?

0
Friday October 11, 2019 - 17:08:26 in News by
  • Visits: 1915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa U Sahlay Raysal Wasaaraha Itoobiya Inuu Ku Guulaysto Abaal Marinta Bilada Nabada Aduunka?

    Maxaa U Sahlay Raysal Wasaaraha Itoobiya Inuu Ku Guulaysto Abaal Marinta Bilada Nabada Aduunka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa U Sahlay Raysal Wasaaraha Itoobiya Inuu Ku Guulaysto Abaal Marinta Bilada Nabada Aduunka?


Addis Ababa(HWN):-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa ku guulaystay abaal marinta bilada nabada aduunka ee sanadka 2019.




War ay soo saareen guddida wadanka Norway ee bixisa abaal marintan ayaa lagu sheegay in raysal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed ay guushiisa biladan qaaliga ah door muhiim ah ka qaadatay heshiiskii uu nabada iyo iskaashiga kula gaadhay wadanka Eritrea iyo xalkii uu hogaaminayey ee uu ku soo afjaray kala gaadhay khilaafkii dhinaca xuduuda ee labada wadan u dhaxeeyey.


Sidoo kale guddidan Norway ayaa sheegay Bilada nabada aduunka ee uu ku guulaystay raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ay markiiba aqoonsadeen dhamaan ururada caalamiga ah ee ka shaqeeya nabada iyo xalinta khilaafaadka ee Itoobiya, wadamada bariga Afrika iyo waqooyiga Afrika.


Bishii April ee sanadkii 2018 markii uu Dr.Abiy Ahmed uu raysal wasaaraha ka noqday wadanka Itoobiya waxa uu si wanaagsan u cadeeyey inuu dib u bilaabayo wada hadalkii nabada ee dalka Eritrea kaas oo uu ugu dambayn guul muhiim ah ka gaadhay.


Iskaashi dhaw uu raysal wasaaraha Itoobiya la yeeshay madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa keenay in si deg deg ah loo hirgeliyo qodobadii nabada ee ay labada wadan ku heshiiyeen.


Dedaaladaas dhinaca nabada ee uu qaaday raysal wasaaraha Itoobiya ayaa haatan keenay inuu ku guulaysto bilada nabada aduunka.

Loading...
Loading...