Soomaaliya Oo U Yeedhay Safiirka Kenya

0
Friday October 11, 2019 - 16:50:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo U Yeedhay Safiirka Kenya

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa u dhiibtay safiirka Kenya ee Soomaaliya warqad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa u dhiibtay safiirka Kenya ee Soomaaliya warqad
cabasho ah oo sheegaysa in Kenya ay ku xadgudubtay hawada Soomaaliya kadib marii diyaarad Kenya ka diiwaangashan ay ka degtay magaalada Kismaayo 5-tii bishii Oktoobar 2019-ka iyadoo aan oggolaansho ka haysan Soomaaliya.


Wasiiru Dawladaha Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa ayaa la kulmay safiirka Kenya Lucas Tumbo waxaana uu u dhiibay cabashadaas.



Soomaaliya ayaa warqadda ku sheegtay inaysan aqbalayn in lagu xadgudbo xuduudaha hawada, badda iyo dhulka ee Soomaaliya, waxayna Kenya ugu baaqday inay ka jawaabto xadgudubkan iyadoo ciidamadeedu ay joogaan Gobolka Jubbada Hoose iyaga oo qayb ka ah ciidamada AMISOM.


Soomaaliya ayaa ku sheegtay warqaddaas in ficilkaasi uu xadgudub ku yahay derisnimada, iyo inaan waddan-na faragelin waddan kale arrimihiisa gudaha.


Diyaaraddaas degtay magaalada Kismaayo ayaa kasoo kacday magaalada Nayroobi, waxayna sidday siyaasiyiin Soomaali ah oo haatan ku sugan magaalada Kismaayo kuwaasi oo doonaya inay ka qaybgalaan caleemo-saarka hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe".

 

VOA

Loading...
Loading...