Madaxweynaha Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Tirada Dad Barakacayaal Ah Oo Guryahooda Lagu Celiyey

0
Friday October 11, 2019 - 11:20:05 in News by
  • Visits: 1760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Tirada Dad Barakacayaal Ah Oo Guryahooda Lagu Celiyey

    Madaxweynaha Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Tirada Dad Barakacayaal Ah Oo Guryahooda Lagu Celiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Tirada Dad Barakacayaal Ah Oo Guryahooda Lagu Celiyey


Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zwede ayaa furitaanka baarlamaanka dalkaasi ka sheegtay in dowladda ay sannad gudihiis ugu suuro gashay in inta badan Labadii milyan ee qof ee gudaha dalkaasi ku baracakacay ay guryahooda ku soo celiso.

Sahle-Worke


Dagaalkii qoomiyadaha ee ka dhacay dalkaasi kaasi oo sii xogeeystay ka dib markii sannadkii 2018-kii la doortay ra’isal wasaare Abiy Axmed ayaa sababay inay malaayiin qof guryahoda ka barakacaan.


Madaxweyne Sahle-Work ayaa kulanka kal fadhiga sanad laha ah ee baarlamaanka ka sheegtay in 100,000 oo qof kaliya ay haatan ku hareen xerooyinka.


Waxay sidoo kale sheegtay in sannadkii la soo dhaafay ay dowladda fududeeysay dib u soo celinta in ka badan 90,000 oo qof oo reer Itoobiya ah.


Waxay sheegtay in khaladaadkii hore la sixi doono si sannadka 2020-ka ay dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xaal ah.

Loading...
Loading...