Siyaasiyiinta Ugu Miisaanka Culus Mucaaridka Dawlada Soomaaliya Oo Magaalada Kismaayo Kulmisay

0
Friday October 11, 2019 - 11:16:33 in News by
  • Visits: 1963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiinta Ugu Miisaanka Culus Mucaaridka Dawlada Soomaaliya Oo Magaalada Kismaayo Kulmisay

    Siyaasiyiinta Ugu Miisaanka Culus Mucaaridka Dawlada Soomaaliya Oo Magaalada Kismaayo Kulmisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiinta Ugu Miisaanka Culus Mucaaridka Dawlada Soomaaliya Oo Magaalada Kismaayo Kulmisay


Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Federaalka iyo xildhibaanno ayaa kusii qulqulaya magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamul goboleedka Jubbaland.

.


Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka dagay garoonka Kismaayo, xilli la filayo in ay qabsoonto xafladda caleema saarka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo dib loogu soo doortay doorashadii madaxweynaha Jubbaland ee dhawaan dhacday, inkastoo uu muran hareeyay.


Siyaasiyiinta kale ee Kismaayo gaaray waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaamoiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.


Socdaalka ay hoggaamiyeyaasha ku tageen xarunta maamul goboleedka Jubbaland ayaa muujineysa sida uu usii xumaaday xiriirka ay la wadaagaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.


Xukuumadda Dhexe ayaa horay ugu dhawaaqday inaysan aqoonsaneyn natiijada kasoo baxday doorashadii Jubbaland, waxayna dalbatay in doorasho hor leh la qabto.


Wasaaradda arrimaha gudaha ee Federaalka ayaa arrintaas u sababeysay in madaxda Jubbaland aysan u hoggaansamin dastuurka, walow ay Jubbaladn dhankooda ku adkeysteen inay doorasho sharciga waafaqsan sameeyeen.


Munaasabadda caleema saarka Axmed Madoobe ayaa labo jeer dib loo dhigay, walina lama shaacinin wakhtiga rasmiga ah ee ay qabsoomeyso.


Waxaa saameyn ku yeeshay tallaabooyin ay qaadday dowladda Federaalka, kuwaasoo ay ka mid ahayd xayiraaddii lagu soo rogay duullimaadyada tooska ah ee taga ama ka baxa magaalada Kismaayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goor sii horreysay laga hor istaagay inuu ka dhoofo Muqdisho, xilli uu ku wajahnaa magaalada Kismaayo.


Xukuumadda dhexe ayaa xayiraadda duullimaadyada ka qaadday garoonka Kismaayo, hase yeeshee wali waxaa cirka ku shareeran khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.


Halkuu ku dambeyn doonaa khilaafka Jubaland iyo dowladda federaalka?

.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khalkhal galinaya dadaalka ay beesha caalamka ugu jirto sidii xasiloonida loogu soo celin lahaa waddankan ku yaalla bariga Afrika.


Muranka u dhaxeeya labada dhinaca oo muddo dheer soo jiitamayay ayaa hadda u muuqda inuu sii qota dheeraaday, wixii ka dambeeyay markii ay bishii August magaalada Kismaayo ka dhacday doorasho dood badan dhalisay.


Axmed Maxamed Islaam "Madoobe" ayaa dib loogu doortay xilka madaxweynaha Jubbaland, tallaabadaas ayaana kasii careysiisay mas'uuliyiinta dowladda dhexe, oo doonayay inay la socdaan habsami u socodka hannaanka doorashadaas.


Dib u doorashada Axmed waxaa gaashaanka u daruurtay wasaaradda arrimaha gudaha ee heerka federaalka, waxaana sidoo kale ka biyo diiday labo hoggaamiye siyaasadeed oo gobolkaas kasoo jeeda, kuwaasoo iskood ugu dhawaaqay inay madaxweyneyaal ka yihiin Jubbaland.


Khilaafkan ayaa dhinaca kale wiiqay xiriirkii dowladaha Kenya iyo Itoobiya, gaar ahaan wadashaqeyntooda dhinaca milatariga ee qeybta ah howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya(AMISOM).



Loading...
Loading...