Soomaaliya Oo Shaacisay Jawaab Ay Wali Ka Sugayo Dawlada Kenya Iyo Waxa Ay Ku Saabsan Tahay

0
Friday October 11, 2019 - 11:03:59 in News by
  • Visits: 1373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Shaacisay Jawaab Ay Wali Ka Sugayo Dawlada Kenya Iyo Waxa Ay Ku Saabsan Tahay

    Soomaaliya Oo Shaacisay Jawaab Ay Wali Ka Sugayo Dawlada Kenya Iyo Waxa Ay Ku Saabsan Tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya Oo Shaacisay Jawaab Ay Wali Ka Sugayo Dawlada Kenya Iyo Waxa Ay Ku Saabsan Tahay


Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Muqdisho u fadhiya dowlada Kenya Lucas Tumbo si ay ugu gudbiso cabasho ku aadan ku xadgub hawada Soomaaliya ay ku xadgubtay diyaarad laga leehay Kenya oo isbuucii hore ka dagtay Kismaayo.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi iyo safiirka Kenya


Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirka loo gudbiyay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah diyaaradaasi oo waday masuuliyiin Soomaali ah oo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.


"Soomaaliya waxa ay si adag uga soo horjeedaa xadgudubkani, marna ma aqbali doonto in lagu xadgudbo xuduudaheeda cirka, badda iyo dhulka, waxa ayna ugu baaqaysaa Kenya in ay jawaab celin ka keento xadgudubkaasi xilli ciidamadeeda ku sugan Gobolka Jubada Hoose ay ka qeyb yihiin Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM",ayaa lagu yiri war-saxaafadeedaka.


Diyaaraddan ayaa caga-dhigatay gegidda diyaaradaha Kismaayo iyada oo aan heysan oggolaansho rasmi ah sida war-saxaafadeedka lagu sheegay.


Soomaaliya ayaa horay u soo saartay amar ah in dhammaan diyaardaha u socda iyo kuwa ka soo duula Kismayo ay Muqdisho soo maraan. Waxaana ammarkaasi uu ka dambeeyay markii madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu ku guuleystay doorasho ay dowladda federaalka ku tilmaantay mid sharci darro ah.


War-saxaafadeedka wasaarada arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u aragto falkani mid ka hor'imaanaya dhammaan mabaadiida deris wanaagga iyo in dalalku ka reebtoonaadaan in faragelin gudaha ay isku sameeyaan.


Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi,oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in safiirka ay u gudbiyeen warbixintii ay soo gudbisay hay'adda dulista hawada.


"Safiirka hadda jawaab u diyaarsan ma jirin oo uu bixin karo ,laakiin waxaan u gudbinay warbixintii ay soo gudbisay hey'adda duulista hawada rayidka ah ayna dowladda Soomaaliya ka walwalsan tahay arrinta dhacday ",ayuu yiri mr Cabdulqaadir.


Wasiiru dowlaha ayaa waxa uu farta ku fiiqay in Kenya ay ku xad-gudubtay hawada Soomaaliya ayna tahay inay ka jawaabto.


"Waa xad-gudub hawada Soomaliyeed lagu soo xadgudbay aan ka rabno jawaab rasmi ah dowladda Kenya sidii ay u dhacday iyo in aan ka helno in mar dambe aysan dhaceyn ",ayuu intaa ku daray.


Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa sheegay in haddii dowladda Kenya ay dheg-jalaq u siin waydo codsigooda ay markaas qaadi doonaan tallaabooyiin laga tashan doono.


Warka dowladda fedaraalka ayaa ku soo beegmaya iyada oo shalay ay magaalada Kismaayo ka degtay diyaarad siday madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdulahi Dani iyo wefdi uu hogaaminayo,mana cadda waxa dowladda uga qorshaysan tallaabadaasi.



Loading...
Loading...