Dawlada Soomaaliya Oo Cadaysay Halka Ay Ku Maqan Tahay $18 Milyan Oo Qasnada Dawlada Aan Ku Dhicin

0
Thursday October 10, 2019 - 19:34:57 in News by
  • Visits: 2303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Cadaysay Halka Ay Ku Maqan Tahay $18 Milyan Oo Qasnada Dawlada Aan Ku Dhicin

    Dawlada Soomaaliya Oo Cadaysay Halka Ay Ku Maqan Tahay $18 Milyan Oo Qasnada Dawlada Aan Ku Dhicin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Cadaysay Halka Ay Ku Maqan Tahay $18 Milyan Oo Qasnada Dawlada Aan Ku Dhicin


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa shaacisay halka ay ku maqan tahay lacag lagu xusay warbixin sanadeedkii hanti dhawraha oo la sheegay inay qasnada dawlada ka maqan tahay.


hanti dhawraha guud ee soomaaliya Maxamed Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in warbixintii uu saaray si khhaldan loo turjumay isla markaana lacagta ku xusnayd ee 18-ka Milyan ee doolar ahayd aanay ka maqnayn qasnada dawlada balse ay ku jirto gacanta xukuumada.

Natiijada sawirka maxamed cali afgooye


Maxamed Cali Afgooye ayaa sheegay Warbixinta uu xafiiskiisa soo saaray aysan ku jirin lacag la lunsaday, waxa uuna tilmaamay in dad dano gaar ah leh in warbixintaasi si khaldan u fasireen.


Mr Afgooye ayaa sheegay in lacagta 18-ka Milyan ee maqan aan la lunsan balse ay ku jirtoBangi akoon ay dowladda dibadda ku leedahay, waxa uuna cadeeyay in qorshuhu yahay in lacagtaasi lagu soo wareejin doono Hay’adaha maaliyadda ee dalka.


Hanti-dhowraha Qaranka ayaa xusay in dadka qaar aysan warbixinta ay soo saareen si fiican u aqrin, waxa uuna sheegay in kaliya ka qaateen Warbixinta qeybo gaar ah isagoona tilmaamay in ay tani qeyb ka tahay dhibaatada dalka ka jirta.


Waxa uu sheegay in dunida dhan ka jirto markii warbixin nuucan oo kala ah lasoo saaro in dadka siyaabo kala duwan u fasiraan, waxa uuna ugu baaqay Warbaahinta iyo dadka Soomaaliyeed in ay si fiican u akhriyaan warbixinta ay soo saareen.


Warixintii kasoo baxday Xafiiska Hanti Dhowraha ayaa lagu sheegay in 18-ka Milyan dollar oo kamid aheyd deeqaha dowlada heshay aan la ogeyn halka ay ku baxday, waxaa sidoo kale Warbixinta ku jirtay in Hay’adaha dowlada qaar dib u isticmaaleen lacago soo galay.

 

Loading...
Loading...