Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Jabuuti Kaga Qayb Galay Aaska Madaxweyne Geelle Walaalkii+Sawiro

0
Thursday October 10, 2019 - 19:12:26 in News by
  • Visits: 4081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Jabuuti Kaga Qayb Galay Aaska Madaxweyne Geelle Walaalkii+Sawiro

    Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Jabuuti Kaga Qayb Galay Aaska Madaxweyne Geelle Walaalkii+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Jabuuti Kaga Qayb Galay Aaska Madaxweyne Geelle Walaalkii+Sawiro


Djibouti(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo dalka Jabuuti loogu sameeyey maariyihii dekedda Jabuuti Marxuum Sacad Cumar Geelle oo toddobaadkan geeriyooday.



Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno uu hormood u yahay guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, wasiirro iyo ganacsato, ayaa subaxii hore ee saaka ka ambo baxay gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana gegida diyaaraha ee Jabuuti ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo uu marxuumku walaalkii ahaa, iyaga oo ugu tacsiyadeeyey geerida ku timi.

Image may contain: 11 people, people standing
Image may contain: 1 person, sitting and suit
Image may contain: 5 people, people standing and suit
Image may contain: 22 people, crowd and outdoor

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga, ayaa sidoo kale ka qayb-galay Salaad Jinaaso ah oo marxuumka lagaga tukaday mid kamid ah masaajiddada magaalada Jabuuti, ka hor intii aanay madaxweynaha Jabuuti kala qayb-gelin Aas ballaadhan oo marxuum Sacad Cumar Geelle isla magaaladaas loogu sameeyey.


Weftiga ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qayb-galay Aaska loo saameeyey maariyihii hore ee dekedda Jabuuti, Marxuum Sacad Cumar Geelle, ayaa qayb ka ahaa wufuud caalami ah oo ka kala socotay dalalka dunida oo jinaasada kala soo qayb-galay madaxweynaha dalka Jabuuti.

Image may contain: 11 people, people standing, crowd and outdoor
Image may contain: 3 people, people sitting and table
Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 8 people, people standing
Image may contain: 1 person, standing, crowd and outdoor
Image may contain: 7 people, child and outdoor

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa isla galabta kusoo guryo noqday caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, kaddib markii ay soo dhammaysteen socdaalkooda ay kaga qayb-galeen Aaskaasi.

WA-BILAAHI TAWFIIQ

Loading...
Loading...