Dawlada Federaalka Ah Oo Lagaga Adkaaday Siyaasadii Jubbaland Iyo Madaxdii Ugu Cuslayd Oo Gaadhay Kismaayo

0
Thursday October 10, 2019 - 18:21:45 in News by
  • Visits: 2704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Federaalka Ah Oo Lagaga Adkaaday Siyaasadii Jubbaland Iyo Madaxdii Ugu Cuslayd Oo Gaadhay Kismaayo

    Dawlada Federaalka Ah Oo Lagaga Adkaaday Siyaasadii Jubbaland Iyo Madaxdii Ugu Cuslayd Oo Gaadhay Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Federaalka Ah Oo Lagaga Adkaaday Siyaasadii Jubbaland Iyo Madaxdii Ugu Cuslayd Oo Gaadhay Kismaayo


Kismaayo(HWN):-Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa lagu qaabilay weftiyo kala duwan oo ka qayb galaya caleemo saarka madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoob).







Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo ay wehelinayaan wasiiro ka tirsan dawladiisa,madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Faroole iyo masuuliyiin kale oo wehelinaysay ayaa gaadhay magaalada Kismaayo halkaas oo uu ku qaabilay madaxweynaha la doortay ee Jubbaland.


Waxaa isla maanta Kismaayo ka degay labo diyaaradoo siday wafuud ay kala hoggaaminayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ka soo dhoofay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.





Sidoo kale wafdiga waxaa qeyb ka ah xildhibaanno iyo ka kala tirsan labada Aqal ee dowaldda oo dhamaantood uu ku soo dhaweeyay Garoonka madaxweynaha caleemo saarkiisa loo socdo ee Axmed Madoobe.


Dowladda Soomaaliya oo horay uga mamnuucday siyaasiyiinta in ay u dhoofaan magaalada Kismaayo ayaa hadda u muuqata in ay fasaxday madaama labada diyaaradood ee siday wafdiga madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ay si toos ah uga duuleen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.



 

Loading...
Loading...