Ku Xadgudubka Xasaanada Dhaqameedka Haataan. Aden Dayr Tacshiirad Buudulmariyey Xukuumadaha Kulmiye.
Horta waa markii u horaysay een qof maqaalkii ku xidhiidhiyo maqaaladayda
laakiin tani waxaa igu qasbay in Aden Dayr oo ah nin sharaf iga mudan , shakhsi ahaan na aanan sqoon gaara u lahayn laakiin aan ogay inuu kaadiriinta Kulmiye yahay horena u ahaa Af hayeenkii hore ee Madaxtooyada Xukuumaddii uu Siilaanyo ka xanuunsaday. Anigu badi dadka kama hadlo ee (subject)ga ama mawduuca ayaan ka hadlaa waanay ii kala qalanyihiin qofka iyo mawduucu oo iskagama kay qaldammaan. Aden Dayr wuxuu si wacan u caddeeyey in isbedel xumi ka jiro xagga sida madaxda siyaasadda iyo kuwii dhaqanka ahaa ay madalaha aan siyaasadda ku shaqada lahayn ula dhex tegayaan cay, aflagaado, cabaarayn reer, xusbi, cay wadan kale suldaano.
Meel kastoo dad la isugu yeedho ujeeddo kale Madaxdii Xukuumaddu waxay jidaysatay dhaqan xun oo Madashii u jeedada lahayd cay iyo dad kale sooc. Waxaana wadanka waxaa la yimi Kulmiye iyo Xukuumadihii. Waad ogtay Silaanyo gudoomiye Xusbi ah baa dhaqan xumada madalaha laga hadlo soo bilaabay oo Madaxweynihii Riyaale we sharafta lahaa ku yidhii 'SHAABUUG BAAN KAAGA SOORAYNAA MADAXTOOYADA' waanay ka dhabayn lahaayeen haddaan Riyaale dhab-Libaax ku fadhiyin. SILAANYO FAYSAL WUXUU KU YIDHI 'UF' .
Markii Kulmiye wadankii xukuumaddii qabtayna si cid waliba 'UF' U noqoto waxaa aad ogaatay ayaa madalihii oo dhan xukuumaddii la tagtay, xitaa aroosyadii, taraarihii, ALLAH BARIYADII XAFLADIHII QALIN JEBINTA (YOU NAME IT). KULMIYE DANTII GUUD UUN MUU BOOBIN EE WAX KASTA WUU DHALAN ROGAY OO DHAQANKII BUU BIIYEY.mayd keebaa u dambeeyey baa la yidhi iyo kaa la sii sido. Mataggii wasiirkii gudaha ee ummadda wada noolaashaheeda inuu ka shaqeeyo iyo nabadda SOMALILAND ayaa siduu wax isugu dirayey aad arkaysay, Sanaag Bari iyo Warsangeli sidii Xukuumadda hadaladeedii xumaa hawada uga saartaad ogayd.Markaa waa runtaa dhaqan xumo ayaa ina hortaal xaggii wada hadalka ummadda Xukuumadda Kulmiye ayaa keentay wadanka waxaa weliba waddo oo ay hogaamiyayaasheedu u arkaan inay sidaa siyaasaddu ugu badinayso laakiin dadweynaha Kulmiye taageera iyo kuwa xisbiyada kale taageera iyo bulshadoo dhan dhaqan xumada iyo waxan madalaha Faysal iyo madaxda Xukuumadda cadaysteen waad arkaysaan.
Arintaana reer Kulmiye xukuumadda ha kala hadlaan sidii ay u joojin lahayd haddii kale iyadaa cirka roob ku og.
Imika waxaasi waxay dhaliyeen inaan sharcigii lagu kalsoonayn muxaafid iyo mucaarid ba maxaa waxay boqol jeer baa Madaxtooyada xaggeeda sharcigii ixtirraami weyday wax is weydaarin cad ku shaqaysan oy nu u soo joognay Wasiiraddii oo ka dareeray Xukuumaddii oo mucaaridkii galay. Waxba inooma kala qarsoona Afxumo iyo wax qabad sumo iyo caddaalad daro iyo hadal xumo iyo qabaail kala sooc xukuumadddii Kulmiye ayaa waday wadana. Markaa halkay inala marton aynu sugno.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...