Umu-Sibyaanada Wixii Laga Aaminsanaa Iyo Waxa Aqoonta Science-Kucaddaysay!

0
Thursday October 10, 2019 - 09:57:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1730
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Umu-Sibyaanada Wixii Laga Aaminsanaa Iyo Waxa Aqoonta Science-Kucaddaysay!

    Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.


Waa wax dabiiciya in bulsho kasta kasma-garashadeeda ay beddelaan caado dhaqameed ay lahaan jireen, diintooda oo ay ka soo dheegteen iyo sheeko-xariirad gaamurtay oo ay ka soo waarideen dhaqamo dhalanrogmay waayo horena la adeegsan jiray. Ugu horrayn, waxaa somalida ku-dhex-faaf-tay caado-dhaqameed laga soo waariday kitaabadii qadiimiga ahaa ee ay isticmaali jireen beershiyaankii hore. Waxaana keenay dhulka somalida wadaado iyo falalawyo la shaqaysta shayaadiin. Kuwaas ku magacawnaa wadaado diinyaqaana, misana la dagaalama junuuda iyo shayaadiinta dadka durraysa, xaqiiqo ahaana la shaqaysan jiray junuud qarsoon.


Waxaan qoraalkan kooban idiin kula wadaagi doonaa "Ummu-sibyaana"

Dumarka somalida waxaa qaar kamid la kulmi jireen xaalad caafimaad, taas oo asiibta marka ay uurka yeeshaan, kuna sababta in ilmuhu ka qubto xilliga ay ku jiraan uurka hore. Gaar ahaan, todobaadada hore.

Dhiiga aadamuhu waxa uu leeyahay noocyo kale geddisan. Sidoo kale, waxa uu leehay waxa looyaqaanno Rh+ iyo Rh-. Gabadhu markay ledahay Rh+, dhiiga dushiisa waxaa ku dheggan proteino gaar ah, sida darteedna waxaa lagu qabatimay in ay tahay(Rh+) waana sida dumarka 85% ubadanyihiin. Taas beddelkeeda 15% soo hadhay, gabadhu haddanay proteinadaas lahayn, waxa layidhaahdaa waa (Rh-). Haddaba marka ay uurqaaddo, ilmaha ay siddaana uu yahay ama uu noqdo (Rh+), iyaduna ay ahayd (Rh-) waxaa ka dhex dhacaaya hooyada iyo ilmaha yar (Rh incompatibility) hooyaduna waxay samaysanaysaa antibodies ay kula dagaalanto waxan jidhkeeda soo galay iyada oo u arkaysa (antigens). Bartaasna waxay hooyadu ku burburinaysaa uurjiifka unugyadiisii casaa ee dhiiga. Taasina waxay sababaysa in gabadhaas ku adkaato in ay dhasho ilmo. 

Taas beddelkeeda waxa dhaqankeena ku jirtay in gabdha caynkaas ah ay durreeyeen Junuud, una baahantahay in loo geeyo wadaad Quraan-saara. Junuudaas Somalida waxay u taqaanaa Umu-sibyaana. Wadaadka keliya ee la aaminsanahay in uu daaweeyaana waa mid yaqaanna cilmi-shaydaanka iyo qardhaasaha layska laalaadiyo. Dumarka caynkan ah waxa uu u qoraa qardhaas ay ku xardhanyihiin xuruuf iyo tirooyin abla-ablayntoodu aanay isku xigxigin, lagana soo dheegtay kitaabo laga soo waarido Eeraan oo ay qoreen faarisiyiintii hore. Sidoo kale waxa lagu qoraa magacyo lagu nisbaynayo in umu-sibyaana ay leedahay. Qardhaastan waxa loo laalaabaa si' ay isla yaqaanaan, waxa lagu guntaa dun, waxaana lagu xidhaa dhexda gabadha xanuunkan ka cabanaysa. 

Hadaba, waa tuma Umu-sibyaana? 

Aan soo qaadanno hadal la sheegay in laga soo weriyey Nebi Sulaymaan: Nebi Sulaymaan waxa uu yidhi, "Anoo la socda koox saaxiibaday ah, maalin maalmaha ka mid ah anoo saaran dabayl, shibrina ii hadhaynayaan, malaga Mii'kaa'iilna midgtayda joogo, Israafiilna bidix dayda, Jibriilna hortayda, gadaashayda danbena  Cazraafil. Waaba gabadh nacnadan oo layidhaahdo Umu-sibyaana-oo timo fidsan, af-ballaadhan, gacan dheer, miciyo fiiqfiiqan, ilko huruuda leh, afkeedana qiiq naari ka soo holcaayo. Miciyaheedana dhulka ku baadhbaadhaysa, codkeeduna sida danabka ku qaadayo indhaheeduna sida hillaaca ku cawarayo. Waan daymooday. Waxaanan ku idhi, "Tumaad tahay taadan lacnadaneey? Dariiqa kumaan arag wax kaabahalsan, kaa arag xun midab ahaan: ma jin, insi ama shaydaan ayaad tahay?.

Waxay tidhi, "Aniga rabbigay ayaa ii sakhiray iguna salliday ilma bani-aadam. Nebi Sulaymaan waxa uu ku yidhi, Waxaa suuro ah in lagu  xidho, xabbad lagu gu dhufto, naxaasta adagna lagu gu dhalaaliyo si' lagaa ga qariyo ilmo aadam!. Waxay ku jawaabtay, "Nebigii ilaahayaw! Ha i xidhin, ha na i ciqaabin, waxaan ahay mid amran: waxaan sameeyo waxaan u sameeyaa amarka Alle, qofkii naftiisa dulmiya ee aan xirsi xidhqaadana waan ku samaynayaa. 

Nebi Sulaymaan waxa uu waydiiyey, 'Waa maxay xirsi xidhku?'. Waxay tidhi, "Waa kitaab ay ku qoranyihiin magacyada iyo dhammaan sifooyinkiisu". Waxuu sulaymaan waydiiyey: waa immisa magacyadaadu?. Waxay tidhi: Nebigii Allw, xaqqa Allaan ku dhaartee, Alle isaga mooyee aan cid kale xaq lagu caabudin, ogsoon caalamka muuqda iyo ka qarsoon, been sheegi maayo! Waxaan leeyahay 14 magac sida: Juluusha, Qabruusha, Xaraasha, Xawaasha, Haymuusha, Famruusha, Qawsha, Shucuusha, Martaluusha, Garbaquusha, Xarbacuusha, Umu-basiila, Umu-malduuma, Saluhamuusha, Naquusha,  Barduuma, Bintu-riix, Bintu-riyaax, Bintu-hamaam, Bintu-wahiim, Yaxsabwaama iyo Umu-sibyaana". 

Lasoco qaybaha kale. 

Sadam Osman Kaabash
Hargeisa, Somaliland
Degmada: Maxamed Mooge.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...