Dhaxalka Buugga Haaneed. Qaybta 2aad
maansaduna geeraar, geeraarkuna hees hawleedyo iyo halo kaloo badan oon halkan lagu soo koobi karin!
Waa buuggii labaad ee lagu soo
bandhiggo qaybo ka mid ah sugaantaa Abwaanka.
Waxa uu buuggu ka warramayaa
"Dulmidiidka” iyo daryeel la’aanta bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxa uu
cidkasta kala hadlyaa hawsha u taala iyo ta u imanaysaba. Ummadda oo dhan ayuu
si gaara iyo guudba ula hadlayaa. Waxa uu cidkasta u tilmaamayaa masuuliyadda
hortaala iyo waxa la gudboon.
Hibada, hal-Abuurka iyo hawraarta hodantinimadu ku duugan tahay ee Axmed Aw
Geeddi maaha mid xaashi iyo kuwo kale lagu qori karo balse waa badweyn aad
marba meel ka istaagayso!
Dhiganahani wuxuu ku dhaxalsiinayaa
inaad ku fikirto noqoshada qof lagu soo hirto oo dadku kaga daydaan wanaagiisa.
Mid lagaga daydo tirtirka saddexda
madaw; Qabyaaladda, Aqoondarradda iyo Saboolnimada. Sidoo kale hawlgal iyo halgan
nololeed, nabadayn iyo naruuro ifaysa, waddaniyadda iyo wehelka waddanka.Waxaa taasi sii dheer barashada
deegaanka iyo dhaqanka guud ahantii, barashada siyaasadda iyo saldhigga
wacyigelinta ummadda. Haaneed wuxuu ka kooban yahay 10 qormo, tobankaas qormo
waxaa ka mid ah
1.
Maansooyin
halgan iyo dulmi diid
2.
maansooyin
cirbaxay iyo halmuceedyo
3.
Qunbe
malabiyo tixo qubane ah
4.
Tix
carceertiyo dhaliil tolmoon iyo maansooyin riwaayadeed
Maxaa loogu bixiyey buugga Haaneed?
"Hasha laba
nin baa lisa. Ninka dhiilka haya ayaa haaneedka taagan. Waa dhinaca mudan ee
hasha laga joogsado. Timacadde waa kii lahaa, ‘Haaneednay Maandeeq Ilaah nama
hungeysiine’. Halbay kalmaddaasi markii hore ku saabsanayd, markii danbena
hal’abuurku gobannimadii bay u adeegsadeen. Gabayga laftiisuna wuxu kala
leeyahay ‘Haaneed’ iyo ‘Miskeed’, oo waa in la haaneedo oo dhinaca tooska ah la
iska taago. Ibraahin-Gadhle ayaa waxa uu yidhi: ‘Maansada abwaanoow, haaneedka
mooyee, yaan miskeedka laga gelin!. Markaa magaca ‘Haaneed’ ee buuggani waxa uu
u taagan yahay in suugaanta xagga toosan ee bulshada wax u taraysa laga galo oo
la iska taago”. Axmed Iid Aadan
Dhiganahan waxaad kala kulmi doontaa
mahadhada xilliga iyo sawrirro xasuus mudan, oo mid kastaa maalin gaara iyo
ujeedkiisa lahaa. Dhiganahan waxaad ka dhex daawanaysaa in suugaanta abwaan
Axmed Aw Geeddi ay leedahay Baadi-Sooc u
gaar ah, isla markaana kaga duwan tahay suugaanta kale ee abwaannada.
Maansooyinka dhiganahan ku
diiwaan-gashan waxaad ka dheehanaysaa aqoon aad u baaxad wayn, isla markaana ka
miisaan wayn inta aad ka baratay. Buugga waxaad ugu tegi doontaa maansooyin
duluc keli ah koobsanaya sida; "Shahiid dirir”, "guur”, "abaydin abaydin
dhalay”, "indha daalis”, "dadku waa ilmo aadan”, "geyaan” ,"waa carruur”, "yaan
iblays fooqyo kaa ridin” iyo qaar kaloo badan. Maansooyin arar kooban sida;
cirjiidh, dhiigmaydh iyo roob doon. Maansooyin dulucdoodu ka mugwaytahay oo ay
badan tahay isla markaana ujeedooyin badan midaynaya sida; Himilo iyo jiiftada garbadiir. Maansooyin
dulucdoodu dedan tahay sida kordahab iyo hiddasan.
Maansada Kordahab waxay noqotay
intii aan akhrisanayey dhiganaha Haaneed maansadii iigu yaabka badnayd, waa
maanso qoto dheer oo miisaan mug wayn xanbaarsan waanay ka magac iyo muuq
dheertahay maansoyinka kale. Sidoo kale waxa loo rogay (turjumay) Af-Ingiriisi. Dahabo-Cadar, Deeqa-Ladan, doobir badan,
damal hadhwayn, dumar-u-roon, diric-kalkaal, deris ma-dhiba, Sama dugsada,
daacad dhaba, gumaro dihin, dawlada qaran, aragti dheer,xishood qurux, dulqaad
iyo dad jacayl. Intaas oo magac ah ayuu abwaanku u bixiyey maansada kordahab oo
u gaar ah iyada.
Meelo badan ayuu abwaanku ka tiriyey
Kordahab. Maansadan aqoonyahanno badan ayaa gorfeeyey sida; Maxamuud Sh. Axmed
Dalmar iyo Kamaal Axmed Cali. Waxa uu sheegay Sh. Dalmar in Kordahab meelna lagu cayimi karin, arrintan
waxa uu sii daba-dhigay oo uu yidhi” Waxay tilmaamaysaa shayga quruxda la
yidhaahdo oo mar gabadha uu Kordahab u bixiyey Axmed, marna dabeecadda
dhulkeenna ee hilaaca, roobka, gudgudaha, caleemaha iyo quruxdii oo marba si
gooni ah loo sifaynayo. Mar kale suugaanyahanka, murti-dhaadhiga ama
dhaqanruugga soomalida waxa lagu yaqaan in ay maansadoodu dhawr sifo yeelato oo
sidii ninkii yidhi,” muruqa laba suulle nin ba si’ la ah.” Iyaga oo dushaa la
moodayo in ay inan (gabadh) ka hadlayaan ay haddana wax ka gun dheer ama ka
qoto fog ka hadlayaan.
"Maansada Kordahab waa dugsi cusub oo
Ibofur u noqon kara in gabayga Soomalidu uu hannaan kii hore ka duwan u cabbiro
caashaqa” Kamaal Axmed Cali.
Kamaal isaga oo si qoto dheer inooga
sheekaynaya maansada Kordahab waxa uu yidhi,”Maansadan Abwaan Axmed Aw Geeddi,
marka laga tago qaabka cusub ee uu jacaylka u soo bandhigay, waxaa u dheer in
uu si aqoon iyo waayo-aragnimo badani ku dheehan tahay isugu xidhayo
deegaankii, hiddihii iyo dhaqankii hore oo dhan ah iyo noloshan casriga ah ee
teknoolajiyadda iyo hannaanka dawladnimo u adeegaysata dhinacyada kala duwan ee
nolosha oo dhanka kale ah.”
Waxa uu intaa ku daray Kamaal, marka
laga tago hal-abuurnimada abwaanka ee ka muuqata maansadan Kordahab iyo qaabka
xiisaha badan ee ay gabayga ugu xidhayso nolosha casriga ah, waxa keliya ee ay
mudan tahay waa in hal-abuurka hadda jooga iyo suugaanyahanku ay u aqoonsadaan
kacaan cusub oo dib u cusboonaysiinaya suugaanta Soomaaliyeed si ay ula
jaanqaaddo
Aynu soo qaadaynno qaybo kooban oo ka
mid ah Maansada Kordahab:
Illayn waa
Dahabo-Cadar
Illayn waa
Deeqa-Ladan
Illayn waa
Doobir269 badan
Illayn waa
damal hadhwayn
Illayn
dumar-u-roon
Illayn waa
diric-kalkaal
Illayn waa
deris ma-dhiba
Illayn waa
samo-Dugsada
Illayn waa
daacad dhaba
Illayn waa gumaro270dihin
Illayn waa
dawlad qaran la yidhi,
Calan bow
deldelan
Debkeedaan
abid bakhtiyin”
Suuraaf271baa kuu duddee
Dabbaal272 iyo maaha nacas
Demmeni weli
laguma xaman
Waxaan looba
duurxulayn274
Haddaa hadalka
u deddaan
Diirkay
xaajada ka garan
Dugsey
waalidkeed u tahay
Dadkiyo
gacalkaa ku hiran
Deeqdiyo
quudkay275 hurtaa
Docdeedana
laguma qado
Xishood bay
dayratoo
Duryan iyo
dawshad iyo
Dibnaha hiif
kama taqaan
Dulqaad baa
lagu sedoo
Dhib iyo
dibindaabyo ma leh
Darmaan
weeyaan cuddoon
Daahiyad276weeyaan dhabeela277
Ma doonto
wixii la diiday
Ma diido wxii
ku daw ah
Intii dumar
loogu xilan
Dadnimo Rabbi
bow dhammeeyey
Badh baa
dibadaha maree
Iyadu
dalandool278 ma dhigin
Dibood iyo
meel xun jog
Absuga279waa looga digay
Dardaaran fog
bay qabtaa
Cirkoo wada
dedan habeen
Sidii Dayax
heel ka mudhay
Iftiinkii
daaliciyo
Hillaacii
dunida miray
Haddaad roob
soo da’iyo
Idinku dirir
moodayseen
Nuurkii Deequu
ahaa
Niqaabku
markuu ka duulay!
Haddii tartan
daawashiyo
Inuun qurux
lays dalbado
Laxaha280daanshoonayiyo
Hadday Dayaxa
iyo Cadceeddu
Dhammaan soo
wada degaan
Digtoodiyo
halalacooda
Kordahab baa
shiikhin layd!
Diyaarado lala
hayiyo
Abboolaha
samada degay
Diiradda
cirbixiyeenadiyo
Waxaa Satalayt
la diray
Hibay deydeyi
yahaan
Haldoorkiyo
duub intii leh
Intii hanad
lagu dabqaato
Dunjiga
madaxwaynayaasha
Amaba
Dibitaati caana
Darteed bay
suuxsan yiin!
Deebalaha geel
iyo gammaan
Daas282iyo lacag iyo qadhiidh283
Dirhamka soof284lagu gatiyo
Amaba demesh285iyo xariir
Duunyadu meherkeed
ma goyso
Haddii calaf
laygu daro
Diintaan ku
nikaaxi laa
Fiiro gaara: Maansadan oo
dhammaystiran, sharaxeeda iyo waxa laga yidhi ugu hagaag buugga Haaneed,
boggiisa 151-169
La soco qaybta danbe hadduu Alle idmo.
Faadumo Buuni
Hargeysa, Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!