Farmaajo Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Ku Sugan Muqdisho
ayaa Madaxtooyada Qaranka kaga qaybgalay munaasabad casho-sharaf oo lagu maamuusayo wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud.
Madaxweyne
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo madasha kelmad soo dhaweyn ah ka jeediyay ayaa
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud iyo wafdigiisa uga
mahadceliyay booqashada ay ku yimaaddeen dalkooda labaad ee Soomaaliya.
Madaxweynaha
ayaa xusay in Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay abaal weyn u gashay
ummadda Soomaaliyeed isaga oo uga mahadceliyay dadaalkii iyo wakhtigii ay
geliyeen in Soomaaliya dib cagaheeda isugu taagto maadaama oo Carta lagu soo
dhisay Dowladdii kumeelgaarka ahayd ee ugu horreysay burburka ka dib.
"Dowladnimada
Soomaaliya burburka ka dib Carta ayay ka soo bilaabatay, waxaana taas
suurtageliyay hoggaaminta walaalkeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo
dadka walaaleheenna ah ee reer Jabuuti. Runtii juhdi iyo wakhti ayay geliyeen
inay Soomaaliya dib cagaheeda ugu istaagto laga soo bilaabo sannadkii 2000 oo
dowladdii ugu horreysay ee kumeelgaarka ahayd lagu soo dhisay Jabuuti.”
Mudane
Maxamed Cali Xumud ayaa dhankiisa Dowladda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed
uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo dareenka walaalnimadu ku dheehan
tahay ee ay ku qaabileen intii ay waddanka ku sugnaayeen isaga oo Soomaaliya u
rajeeyay horumar, nabad iyo xasilooni siyaasadeed.
Munaasabadda
casho sharafta waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,
Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
DHAMMAAD