Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Qabanaysa Shirweynaha Caafimaadka Heer Qaran
shirkaas oo lagaga wada hadli doono heerka adeegga caafimaadka ee qaranka Somaliland halka uu marayo iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado.
Shirkan oo ay qaban qaabadiisa iyo hagistiisaba ay leedahay
wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayay ka qayb geli doonaan
daneeyeyaasha caafimaadka Somaliland,wasaaradda caafimaadka cisbitaalada
qaranka iyo cisbitaalada gaarka loo leeyahay.
Wasiirka Wasaarada Horuminta Caafimaadka Somaliland Prof: Cumar
Cali Cabdilaahi ayaa sheegay in la qaban doono Shirwaynaha Bandhiga Caafimaadka
Somaliland.
Cumar Cali Cabdilaahi oo shalay Warbaahinta la hadlay waxa uu
sheegay in Shirwaynahan Caafimaadka ay ka soo qayb gali doonaan Daneeyeyaasha
Caafimaadka kaas lagu lafo guri doono arimo la xidhiidha Adeegyada Caafimaadka
ee ay bixiyaan Cisbitaalada Dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Wasiirka oo ka hadlayay shirka wasaaraddiisu qaban
qaabinayso,ayaa yidhi."Waxaan ku dhawaaqayaa shirwaynaha iyo bandhiga
Caafimaadka Somaliland oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda horumarinta
Caafimaadka kaas oo qorshaysan in la qabto muddada u dhaxaysa 16 illaa 20 bisha
11 aad sannadkan 2019ka,Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyadoo kaashaynaysa
daneeyeyaasha caafimaadka waxay qaban qaabinaysaa Shirwayne Caafimaad oo loogu
talo galay in lagu lafo guro arimo badan oo Caafimaadka la xidhiidha iyo
hooyada iyo dhallaanka iyo sidoo kale kor u qaadista heerka adeegga ay bixiyaan
Cisbitaalada Dawladda iyo kuwa gaarka looleeyahay.sidoo kale shirkaas waxa lagu
lafo guri doonaa Caafimaadka iyo Xannuunada ku dhaca Dhimirka oo ah arimaha ugu
wayn ee ay sannadkan xoogga saarayso Wasaarada Caafimaadka,”.
Cumar Cali Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata,ayaa yidhi"sidoo
kale waxa shirkaa lagaga hadli doonaa sidii loo horumarinlahaa adeegyada Caafimaadka
ee ay bixiyaan Xarumaha Caafimaadka waxa kale oo laga doodi doonaa sidii kor
loogu qaadi lahaa Dawooyinka iyo agabka Caafimaadka,waxa kale oo shirkaa lagaga
doodii doonaa hannaan lagu Horumariyo Jaamacadaha bixiya barashada Caafimaadka
waxa kale oo laga hadli doonaa anshaxa Mihnadleyaasha Caafimaadka waxaana laga
doodi doonaa Xannuunada faafa waxaana shirkaa ka soo qayb gali doona dhamaan
daneeyayaasha Caafimaadka.”.