Is Bar Bar Dhig Kooban: Somaliland Iyo Eritrea.

0
Wednesday March 20, 2019 - 10:15:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is Bar Bar Dhig Kooban: Somaliland Iyo Eritrea.

    Somaliland F.G. "Qoraalkan koobani waa mid iska guud mar ah, marka laba waddan la is bar bar dhigayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland F.G. "Qoraalkan koobani waa mid iska guud mar ah, marka laba waddan la is bar bar dhigayo
waxay u baahantahay baadhis qoto dheer, waqti iyo dhaqaale”

Somaliland waxa ay Somalia ka go’day 1991, kuma ay guulaysan in loo aqoonsado dal madax bannan maadama ujeedada halkankii ay soo galeen dadka reer Somaliland aanay saldhig u ahayn inay Somalia ka go’aan, muddo yar kadib waxa ay lugaha la gashay dagaallo sokeeye, ugu dambayntii waxa ay ku guulaysatay inay dhidibka u taagto nidaam dawladnimo iyo kala damabyn nabad galyadu sal u tahay, waxay hirgalisay nidaam doorasho oo toos ah, waxa talada haya madaxweynihii shanaad islamarkaana ah madaxweynihii sadexaad ee cod dadweyne lagu soo doorto, waa waddan ay ka jirto xorriyad dhinaca hadalka iyo ra;yi cabirka ahi, ganacsi xor ah tartan doorasho oo xor ahi ,

Somaliland tirada dadka waxa lagu qiyaasaa ilaa 4.5 milyan waana dad hibo u leh hal abuurka ganacsiga xorta ah, Somaliland waa dal aan aqoonsi dhinaca diblomaasidda ah haysanin taasoo wax badani kaga xidhanyihiin, Somaliland waxa ay leedahay xeeb aad u dheer, khayraad kala duwan sida xoolaha iyo beeraha, laakiin maha kuwo aad looga faa’iideeyay, waxa ay afrika inteeda kale la wadaagtaa musuqmaasuqa iyo wax is dabamarinta gaar ahaan xafiisyada dawladda, ilaa hadda laguma guulaysan in waddaniyadda la xoojiyo ama la horumariyo waxyaabaha waddaniyadd xoojiya, inta badan kaabayaasha dhaqaaluhu waa kuwo hooseeya,

baahida ugu badani waxa ay ka jirtaa iskaashiga shacabka iyo dawladda ee dib u dhiska adeegyada bulshada oo aad u hooseeya, caasimadda ama magaalooyinka waawayn intooda badan waa ku is dhex daadsan oo aan lahayn qorshayn magaalo oo dhamaystiran, ma jiraan waddooyin hagaagsan, traffic light, waddada qaybta lugta dadwaynaha loogu talo galay, malaha goobo loogu talo galay in dadku ku nasto oo dawladdu leedahay, dayaca ka muuqda adeegyada bulshadu waxa uu su’aal gelinayaa fahamka ay dadka reer Somaliland ka haystaan dawladnimada, in ictraaf caalami ah la helo waxa igala muhiimsan in Somaliland dalka dhiso oo uu dal u ekaado.waana in laga faa’iideeyo xoogga dadka.

Eretria

Waxa ay ka go’day waddanka itoobiya 1991kii waxa ayna ku guulaysatay inay hesho aqoonsi caalami ah, maadaama dagaalkii dheeraa ee ay la galeen itoobiya ujeedadiisu caddayd oo ay ahayd inay noqdaan dal madax bannaan, muddo ka dib waxa ay dagaal dhiig badani ku daatay la gashay waddankii ay ka go’day, waa dal ay saarnayd cunaqabatayn caalami ahi muddo dheer, tiradada dadka Eritrea waxa lagu qiyaasaa 5 million ,kama dhacaan wax doorasho la yidhaahdo gebi ahaanba 30 sano ku dhawaad waxa xoog ku haysta hal madaxweyne,

kama jirto wax xorriyad ahi dhinaca hadalka iyo ra’yi cabirka, sidoo kale kama jiro ganacsi xor ahi, hase yeeshee shacabka reer eritarea waa dad aad u jecel waddankooda, dawladda waddanka eritarea waxa ay xoogga saartay inay dhisto waddankeeda iyadoo adeegsanaysa xoogga shacabkeeda, waa waddan ku soo jiidanaya dhinaca bilicda iyo adeegyada bulshada, waxa ay kala simantahay inta badan waddamada qaaradda afrika musuqa gaar ahaan dhinaca awoodda, mar kali ah ayay is beddeshay siyaasaddii geeska afrika, waxaana la saadaalinayaa in waddanka eritarea uu yahay dalka sida wayn uga faa’iidaysanaya isbedelka geeska , maadaama ay isu diyaariyeen.

Yuusuf Cabdi Maxamed


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...