Dawlada Soomaaliya Oo Magacawday Guddida Farsamo Ee Maamul u Samaynta Galmudug
Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ku dhawaaqday guddida farsamo ee maamul u samaynta dawlad goboleedka Galmudug.
Wasaarada arimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta soomaaliya ayaa shaacisay magacyada xubnaha ku jira guddidan, taas oo uu ku dhawaaqay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Isaaq Maxamed Maxamuud.
Xubnaha Guddigan oo ka kooban 13-xubnood ayaa la filayaa in dhaxdooda iska doortaan Gudoomiye iyo xogheyn, waxaana xubnahan guda gali doonaan qorshaha maamul u sameynta Galmudug.
Magacaabista guddigan ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka taagnaa khilaaf ku aadan cida soo magacabayso, Madaxweynaha Galmudug ayaana horey u sheegay in isagu soo magacaabi doono.
Halkan Hoose Ka Akhriso Magacyada Xubnaha Guddida.