Afhayeenka Jabhada Caare Oo Ka Qayb galay Kulankii Odayaasha Garxajis Iyo Muuse Biixi Dhexmaray Oo Ka Hadlay Qaabka Uu Kulanku Udhacay
ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga iyo Whatsappka waxa uu ku shaaciyay inuu ka qayb galay kulankii Hargeysa dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Oday dhaqameedka Beesha Garxajis, Waxaana uu sheegay inaanu kulankaasi u dhicin sida warbaahinta laga baahiyay balse uu ka duwanaa, waxaana uu sheegay inuu saacadaha soo socda siro badan badka soo dhigayo.
Waxa uu ku yidhi qoraalka uu baahiyay sidan " Kulankii ku dhamaaday
kashifka iyo Karaamo darada ee Guriga Keligii Taliska ku Dhexmaray Hogaanka iyo
Madax dhaqameedka Beelaha Garxajis iyo Kaahin Iyo Biixi oo aan goob joog ka
ahaa aniga oo ah Sarkaal ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Cadaalada iyo Sinaanta Dulmi
Diid ee uu Hogaamiyo General Siciid Cawil Jamac (CAARE) aniga oo Salaadiinta ka soo raacay Gobolada
Bari si aan goob joog uga ahaado Wada Hadalkii guul darada iyo Bahdilka ku soo
gebagaboobay , kaas oo ka dhacay aqalka gaarka ah ee Cornel Muuse ee ku yaala
state house.
Runtii kulankaasi wuxuu u dhacay si ka duwan sida warbaahinta laga
baahiyay oo aad u fool xun sida idiinka muuqata taswiirta sawiradayda waxa
meeshaas aan kula kulanay waxay ahaayeen kuwo aan naftayda ku go’aan qaadatay
oo aan ku xaqiiqsaday waxyaabo badan oo aan tuhunsanaa dhinac kasta aniga oo
mabda’aygii haysta isla markaasna aniga iyo Saraakiil kale oo tiro badani
gurada Guriga Muuse iyo hortiisa ku
sugan waxa aanu kulankii kala dareernay anaga oo aad u faraxsan isla markaasna
mabaadiidayadii hore sii laba jibaarantay,
Wuxuu ku soo koobay qoraalkiisa sida "FAAHFAAHINTA KULANKAAS FILO
SAACADAHA SOO SOCDA”.
Foore