Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Faa,iidada Somaliland Ka Heli Karto Bogcada Ay Ku Taal Dekeda Berbera Iyo Dib U Dhiska Garoonka Diyaaradaha

0
Tuesday October 08, 2019 - 21:22:43 in News by
  • Visits: 3363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Faa,iidada Somaliland Ka Heli Karto Bogcada Ay Ku Taal Dekeda Berbera Iyo Dib U Dhiska Garoonka Diyaaradaha

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Faa,iidada Somaliland Ka Heli Karto Bogcada Ay Ku Taal Dekeda Berbera Iyo Dib U Dhiska Garoonka Diyaaradaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Faa,iidada Somaliland Ka Heli Karto Bogcada Ay Ku Taal Dekeda Berbera Iyo Dib U Dhiska Garoonka Diyaaradaha


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay qaabka looga faa,iidaysan karo bogcada muhiimka ah ee ay ku taala dekeda magaalada Berbera.

Image result for Madaxweyne Muuse Biixi


Madaxweynaha somaliland ayaa muuqaal ay ka soo duubeen Somaliland Now waxa kale oo uu kaga waramay dib u dhiska ka socda garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.


Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlaya adeegyada ay doonayaan in dekeda magaalada Berbera qabato ayaa waxa uu yidhi "Somaliland waxay ku taalaa dhaqaale ahaan meel aduunka muhiim ah waxaanan doonaynaa in bada cas ee ay maraan inta badan ganacsiga caalamku soo dhoofiyo inaanu u shaqayno qaybta ugu balaadhan ee halkaas maraysa, maraakiibta bada maraysa ee ganacsiga leh ee dalxiiska leh ee ciidan leh, waxaanay naga doonayaan inaanu u qabano adeeg anaguna aanu faa,iido ka helno.”


Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Somaliland waxay soo bandhigtaa nabad,qof baqanayaa ma waxbuu kula qaban waxaanu ogolnahay inaanu samayno waxaan la yidhaa deegaan uu ganacsigiisu ku socon karano hadii uu maalgelinaya xoolihiisa wuu la bixi karaa.”


Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka waramay dib u dhiska ka socda garoonka diyaaradaha Berbera iyo adeegyada la doonayo inuu qabto waxaanu yidhi "Imika garoonka Berbera ayaa dhamaaday oo noqonaya mid caalami ah waana 4km, waxaanu noqon doonaa kan ugu weyn uguna wanaagsan ee fududeeya isku socodka Geeska Afrika, waxaanan u samayn doonaa wax kasta oo fudaydinaya dhaqaale ahaan, sharciyo la cashuuro iyo caqabadaha oo aanu fudaydino, markaa inaanu biriishkaas noqono oo aanu u weel tolano ayaanu u diyaar garoobaynaa dadkayaga maskaxdiisuna taas ayey diyaar u tahay.”


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...