Madaxweynaha Itoobiya Oo Ka Hadashay Doorashooyinka Guud Ee Soo Socda Fariina U Dirtay Xisbiyada Ka Qayb Galaya

0
Tuesday October 08, 2019 - 19:24:23 in News by
  • Visits: 2059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Itoobiya Oo Ka Hadashay Doorashooyinka Guud Ee Soo Socda Fariina U Dirtay Xisbiyada Ka Qayb Galaya

    Madaxweynaha Itoobiya Oo Ka Hadashay Doorashooyinka Guud Ee Soo Socda Fariina U Dirtay Xisbiyada Ka Qayb Galaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Itoobiya Oo Ka Hadashay Doorashooyinka Guud Ee Soo Socda Fariina U Dirtay Xisbiyada Ka Qayb Galaya


Addis Ababa(HWN):-Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa fariin u dirtay xisbiyada siyaasada ee ka qayb galaya doorashooyinka guud ee la filayo inay ka dhacaan dalkaasi.


Madaxweyne Sahle-Work Zewde oo maanta furtay shir lagaa hadlayey doorka ay daneeyayaashu ku leeyihiin doorashooyinka ayaa xisbiyada u soo jeedisay inay masuuliyad weyn isa saaraan isla markaana muujiyaan maadaama ay ka qayb galayaan doorashooyinka guud ee dalka.




Shirkan ay furtay madaxweynaha Itoobiya ayaa waxa ka soo qayb galay wakiilo ka socday xisbiyada siyaasada, guddida doorashada, ururada bulshada iyo saxaafada dalkaasi, kaas oo lagu falanqeeyey arimo ku saabsan doorashooyinka soo socda.


Sidoo kale shirkan ayaa lagaga hadlayey sidii casharo looga baran lahaa wadamada khibrada u leh inay hore u qabteen doorashooyinka ku dhisan dimuqraadiyada ee sida xor iyo xalaasha ah u hirgeliyey.


Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde oo ka hadlaysa doorashooyinka Itoobiya ku soo socda ayaa tidhi "Waa muhiim inaynu casharo ka barano wadamada kale oo aynu kula tartano fikrada wanaagsan ee aynu ku hirgelin karno doorashooyinka inagu soo socda.”


Sidoo kale waxay fariin u dirtay guddida doorashooyinka Itoobiya "Guddida doorashooyinka ayaana laga rabaa inay awood karti leh la yimaadaan iyada oo la xoojinayo hanaanka isbadalka ee ka socda dalka si doorashooyinkana looga dhigo qaar lagu kalsoonaan karo oo dimuqraadi ah.”


Madaxweynaha Itoobiya ayaa sidoo kale fariin u dirtay xisbiyada siyaasada ee ka qayb galaya doorashooyinka guud ee dalka, iyada oo ugu baaqday in looga baahan yahay masuuliyad ay muujiyaan isla markaana ay la yimaadaan fikrado wanaagsan oo dhiirigelinaya midnimada dalka.


Sidoo kale madaxweynaha Itoobiya ayaa ugu baaqday dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka inay doorkooda ka qaataan sidii ay u dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah isla markaana dimuqraadi ah.


Loading...
Loading...