Madax Dhaqameedka Beelaha Dir Oo Hargeysa Fariin Uga Diray Maamulka Jubbaland Iyo Dawlada Federaalka Ah

0
Tuesday October 08, 2019 - 18:47:16 in News by
  • Visits: 2923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madax Dhaqameedka Beelaha Dir Oo Hargeysa Fariin Uga Diray Maamulka Jubbaland Iyo Dawlada Federaalka Ah

    Madax Dhaqameedka Beelaha Dir Oo Hargeysa Fariin Uga Diray Maamulka Jubbaland Iyo Dawlada Federaalka Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madax Dhaqameedka Beelaha Dir Oo Hargeysa Fariin Uga Diray Maamulka Jubbaland Iyo Dawlada Federaalka Ah

 

 


Hargeysa(HWN):-Madax dhaqameedka beelaha Dirr ee somaliland ayaa baaq u diray maamul goboleedka Jubbaland iyo dawlada federaalka ah ee soomaaliya.


Salaadiintan oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda beelaha dir ee ku dhaqan maamul goboleedka Jubbaland lagu hayo dhibaato gaar ah isla markaana bartilmaameed laga dhiganayo.




Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa baaq u diray dawlada federaalka ah ee soomaaliya isaga oo ka hadlay dhibaato uu sheegay in lagu hayo shacabka beelaha Dir ee ku dhaqan maamulka Jubbaland waxaanu yidhi "Waxaanu cambaaraynaynaa tacadiga foosha xun ee ka dhacaya Jubbaland ee dumarka, saraakiisha iyo odoyaasha lagu xidh xidhayo ee maamulka halkaas ka jiraa ku hayo, masuuliyada koowaadna waxa qaadaysa dawlada federaalka ee soomaaliya oo ay tahay inay hawsheeda si mug iyo miisaan leh uga qabsato hawsha halkaas ka jirta.”


Suldaan Dhawal oo hadalkiisa sii wata ayaa maamulka jubbaland ugu baaqay inay dhibaatada ka daayaan dadka shacabka ah "Waxaanan ku boorinaynaa maamulka halkaas ka jira inay umada tacadiga iyo dhibaatada ka daayaan, waayeelkana anaga oo kale ahna waxaan ku dardaaraynaa inay qadiyadaas iyo wada dhalashada dadka soomaalida ah hoos u eegaan.”


Sidoo kale waxa uu ka hadlay khilaafka ka jira maamulka Jubbaland ee sababay dhibaatada halkaasi ka taagan waxaanu yidhi "Waxaanu ognahay khilaafka iyo dhibaatada halkaas ka jirta balse waxaanu uga gaabsanaynay bal in dawo loo helo balse hada hada way soo dhaaftay oo waxay maraysaa in umadii dhulkaas u dhalatay dhibaato loo gaysto, qoolaydu qoorqabad biyaha kuma cabto, raga u haysta in qoor qabad lagu raacayo oo lagu ictiraafayo waa wax aan jirin.”


Dhinaca kale madax dhaqameed ka soo jeeda beelaha Dir oo iyaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa si adag uga horyimid tacadiyo iyo dhibaato ay sheegeen in maamulka Jubbaland ku hayo dadka ka soo jeeda beelahaas ee deegaanka ku ah maamulkaasi.

Loading...
Loading...