Xanuunka Kuududiyaha Oo Ka Dilaacay Magaalada Burco Iyo Agaasimaha Cusbitaalka Oo Fariin U Diray Bulshada

0
Tuesday October 08, 2019 - 18:45:24 in News by
  • Visits: 2158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanuunka Kuududiyaha Oo Ka Dilaacay Magaalada Burco Iyo Agaasimaha Cusbitaalka Oo Fariin U Diray Bulshada

    Xanuunka Kuududiyaha Oo Ka Dilaacay Magaalada Burco Iyo Agaasimaha Cusbitaalka Oo Fariin U Diray Bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xanuunka Kuududiyaha Oo Ka Dilaacay Magaalada Burco Iyo Agaasimaha Cusbitaalka Oo Fariin U Diray Bulshada


Hargeysa(HWN):-Xanuunka kuududiyaha ayaa ku soo badanaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.


Agaasimaha cusbitaalka magaalada Burco Dr. Cabdi Suudi ayaa shaaca ka qaaday dad uu xanuunkani asiibay oo la soo gaadhsiiyey cusbitaalka magaalada isla markaana ay daweeyaan.




Dr. Cabdi Suudi oo ka hadlaya xanuunkan ayaa waxa uu yidhi "Xanuunkani wuu ku badan yahay magaalada Burco, cusbitaalka weyna waxa ku soo badanaya dadka xumadiisa ka cabanaya iyo dadka curuuqaha ka cabanaya oo kici kari waayey.”


Sidoo kale waxa uu sheegay inaanu xanuunkani lahayn dawo rasmi ah waxaanu yidhi "Xanuunkani ma laha dawo rasmi ah oo marka sidaa loo siiyo uu bogsanayo balse caawin ayuu u baahan yahay, caawintaas marka la siiyana calaamadahaasi way ka ba’ayaan oo wuu bogsanayaa balse waxa jira meelo dadka loogu dawaynayo si khalad ah.”


Dhinaca kale Dr. Cabdi Suudi ayaa sheegay inaanu jirin khasaare dhimasho ah oo uu keenay xanuunkani "Wali dhimasho muu keenin cusbitaalkana dad badan ayaa noo yimid intii uu xanuunkani magaalada ka jiray kuwaas oo aanu si wanaagsan u dawaynay lana tacaalnay, waana xanuun inagu cusub oo laba sanadood ka hor ayaa magaalada lagu karay hadana wuu soo rogaal celiyey, bulshaduna waxay ula baxday Kuududiye maadaama oo uu dadka ka qabanayo curuuqaha oo qofka ay ku adkaanayso inuu kaco ama suuligaba gaadho.”


Sidoo kale agaasimaha cusbitaalka Burco Dr. Cabdi Suudi ayaa hadlay waxyaabaha keena xanuunkan iyo sida uu ku gudbo waxaanu yidhi "Xanuunkan waxa keena jeermisyadan loo yaqaano firel Infections kaas oo ay gudbiso nooc ka mid ah kaneecada, xanuunkaasna waxa lagu arkaa qofka calaamado ay ka mid yihiin xumad fara badan, madax xanuun, curuuqaha oo laga qabto iyada oo dadka qaar ku adkaanayo socodku.”


Ugu dambayn Dr. Cabdi Suudi waxa uu bulshada uga digay goobo caafimaad oo uu sheegay in si khaldan loogu dawaynayo dadka uu xanuunkani ku dhaco, isaga oo farmasiyada u soo jeediyey inay joojiyaan dawayn khaldan oo uu sheegay inay samaynayaan.

Loading...
Loading...