Rwanda Oo Xadhigga Ka Jartay Shirkaddii Ugu Horreysay Ee Sameysa Telefoonada Gacanta Ee Smartphone-Ka
loo yaqaan ee ka howl gasha Afrika. Xaflada lagu daah furayay shirkadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne Paul Kagame.
Shirkadda tegnoologiyadda ee Mara Group ayaa waxay soo
saartay telefanno loogu magac daray Mara X iyo Mara Z, kuwaasi oo istcimaali
doona habka softi-weerka Android.
Qiimaha telefoonadaan ayaa kala ah 175,750 Rwandan
francs ($190; £155) iyo 120,250 Rwandan francs ($130;£106).
Waxaa jira shirkada kale oo sameeya teleefoonada oo ku
yaalla dalalka Masar, Itoobiya iyo Koonfur Afrika, balse qalabka ayay dibadaha
ka soo dhoofiyaan.
Agaasimaha guud ee shirkadda Ashish Thakkar ayaa
sheegay in teleefoonkasta laga sameeyay 1,000 xabo.
Waxa u sheegay in kharashka warshadda ku baxay uu
gaarayo ilaa iyo $ 24 ayna awood u leedahay in maalinkiiba ay soo saarto 1,200
oo telefoon.
Madaxweyne Paul Kagame ayaa sheegay inuu rajeynayo in
telefoonadan ay sare u qaadi doonaan isticmaalka telefoonada gacanta ee
Smartphone-ka ee Rwanda boqolkiiba 15.
BBC