Madaxwaynaha Somaliland Oo Tacsi Udiray Madaxwaynaha Jabuuti Geerida Ku Timid Walaalkii Sacad Cumar Geele
Madaxweynaha Somaliland Waxa Uu Dhambaal Tacsi Ah U Dirayaa Shacbiga
Jabuuti Iyo Madaxweynaha dalkaasi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo
ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland,
waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo
shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum
Sacad Cumar Geelle oo ahaa maamulaha dekeda Jabuuti, kuna geeriyooday maanta
dalka Faransiiska. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle oo marxuumku
ahaa walaalkii.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno
ka waraabiyo qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda
Jabuuti, ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Aamiin Aamiin Aamiin
.