Madaxweyne Farmaajo Oo Farriin Tacsi Ah U Diray Madaxweyne Geelle
Muqdisho, Oktoobar 08, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
oo dhambaal u diray walaalkiis Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka Jabuuti, ayaa uga tacsiyeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle.
"Waxa na soo gaaray
warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne
Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan
shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo
leh.”
Madaxweyne Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey in uu u
danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud
ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan.
*DHAMMAAD*
Loading...
Loading...