Naceybka Trump Uu U Qabo Qaxootiga Soomaalida Oo La Shaaciyay
Sida lagu sheegay qoraalkaasi
CNN, bilihii ugu horreeyay ee xukunka madaxweyne Trump ayaa madaxweynuhu wuxuu
Elaine Duke oo xilligaasi ahayd kusimaha arrimaha ammaanbka gudaha weydiiyay
sababta ay u mamnuuci la'dahay qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya
Xogta ku saabsan arrintan ayaa
lagu daabacay buug cinwaan looga dhigay "Colaadda Xudduudda", waxaana
buuggan lagu muujiyay aragtida madaxweyne Trump ee ku aadan dadka ka soo jeeda
Soomaaliya, kuwaasi oo uu arko in ay halis ku yihiin Mareykanka.
Dhammaadkii bishii Janaayo ee
sanadkii 2017 ayuu madaxweyne Trump xayiraad ku soo rogay ajaaniibta ka
imaanaya siddeed waddan oo ay Soomaaliya ku jirto, ka dib amar madaxweyne oo uu
soo saaray.
Sida lagu xusay buuggaasi,
"madaxweyne Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqda in si gaar ah ay u
neceb yihiin Soomaalida, waxa ayna Soomaalida tusaale u soo qaadan jireen mar
kastaa oo ay doonayaan in ay muujuyaan halista dadka qaxootig ahi ay u keeni
karaan Mareykanka.
CNN ayaa iibsatay nuqul ka mid ah
buuggaasi loogu magac daray "Colaadda Xudduudda" oo ay qoreen Julie
Hirschfeld Davis iyo Michael D. Shear oo ka wada tirsan wargeyska The New York
Times ka hor inta aanan rasmiyan la daabacin.
Bishii Oktoobar ee sanadkii 2017,
usbuucyo ka dib markii madaxweyne Trump uu arrinta Soomaalida kala hadlay
Elaine Duke, oo xilligaasi ahayd ku simaha xoghayaha arrimaha ammaanka ayaa
waxaa mar labaad Elaine Duke la soo xiriiray Stephen Miller oo arrimaha siyaasadda
kala taliya Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo, waxa uuna ku adkeystay in
la joojiyo qaxootiga ka imaanaya 11 waddan oo halis ku ah Mareykanka, gaar
ahanna Soomaaliya, balse Duke ayaa arrintaasi ku gacanseyrtay, sida lagu
sheegay buuggaasi.
Aqalka Cad ayaanan arrintaasi
wali wax war ah ka soo saarin.
Muddadii uu madaxweyne Trump
xilka hayay, waxaa uu joojiyay qaxooti badan oo ay ahayd in ay Mareykanka dib
udejin ka helaan. Maamulka Trump ayaa markii ugu horreysay sanadkan 2019-kii,
wuxuu qaxooti dalkaaso soo galaya ku soo koobay 30,000 oo qof oo kaliya. Bishii
la soo dhaafay ee Sebteembar ayaa waaxda arrimaha dibadda Mareykanka waxay
aqalka Koongareeska u sheegtay in tiradaasi la dhimi doono oo lagu soo koobi
doono 18,000 oo kaliya.
Qoraayaasha buuggan, Davis iyo
Shear, ayaa buuggooda ku shaaciyay macluumaad ku saabsan ololaha Miller uu ka
dhex waday maamulka Trump ee uu ku doonayay in la dhimo tirada qaxootiga soo
galaya Mareykanka.
Usbuucii la soo dhaafay, qeyb ka
mid ah waxa ku qoran buuggaasi ayaa la faafiyay waxaana lagu sheegay in Trump
oo shir ku qabtay Aqalka Cad uu soo jeediyay in dadka qaxootiga ahi ee dalka
soo galaya ay tahay in lugaha laga toogto isla markaana la adkeeyo derbiga
xudduudda Mareykanka iyo Mexico, oo laga garab qodo god weyn oo biyo ka buuxaan
isla markaana lagu daadiyo masas iyo yaaxaasyo.
28-kii Janaayo ee sanadkii 2017
ayaa madaxweyne Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay xayiraado dhanka socdaalka ah
"si Muslimka xagjirka ah looga ilaaliyo Mareykanka".
Wuxuu saxiixay amar ku aaddan
tallaabooyin laga qaadayo qaxootiga iyo mamnuucidda qaxootiga Suuriya illaa
amar dambe.
Wuxuu sidoo kale sheegay in
qiyaastii 50,000 oo qaxooti ah ay galeen Mareykanka sanadkan 2017-ka, taas oo
kala bar ka yar tiradii horey loo qaadi jiray.
Inkastoo go'aankaasi madaxweyne
Donald Trump ay cambaareeyeen ururada xuquuqda aadanaha u dooda ee daafaha
caalamka ku nool, haddaba qaar ka mid ah xisbiyada dhinaca midigta u janjeera
ee Yurub ayaa soo dhoweeyay tallaabadaas uu qaaday Trump.