Ilhaan Cumar Oo Dalbanaysa In Laga Furo Ninkeeda

0
Tuesday October 08, 2019 - 08:34:20 in News by
  • Visits: 3040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilhaan Cumar Oo Dalbanaysa In Laga Furo Ninkeeda

    Ilhaan Cumar Oo Dalbanaysa In Laga Furo Ninkeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilhaan Cumar Oo Dalbanaysa In Laga Furo Ninkeeda


Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa dacwad furitaan ah ka gudbisay seygeeda Axmed Xirsi.


Ihaan Cumar ayaa maxkamad ku taalla Minnesota u gudbisay dacwaddaasi maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay.



Ilhaan iyo Axmed ayaa waxay isguursadeen sanadkii 2000 waxayna kala tageen sanadkii 2008, waxayna dib isugu laabteen sanadkii 2018-kii.

Ilhaan Cumar

"Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn," sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan.


Waxay Ilhan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen.


Khilaafka u dhexeeya lamaanahan ayaa waxaa dhawaan si muuqata uga hadashay warbaahinta Maraykanka.


Ilhan ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim Xijaab xiran ee loo doorto Congress-ka Maraykanka.


Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...