Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Heshiiska Dhexmaray Madaxweyne Muuse Iyo Garxajis Ee Jabhada Caarre
Hargeysa(HWN):-hogaanka xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ka hadlay heshiiska madaxweynaha somaliland iyo madax dhaqameedka Garxajis ka gaadheen jabhada uu hogaaminayo Kornayl Caare ee ku sugan gobolka Sanaag.
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa ka hadlay heshiiskan madaxweyne Muuse la gaadhay madax dhaqameedka Garxajis.
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay in madaxweynuhu cafis u fidiyey kornayl Caare iyo dhamaan ciidamada ka tirsan jabhadiisa waxaanu yidhi "Madaxweynuhu waxa uu leeyahay go’aan odayaashuna in badan ayey ka soo shaqeeyaan nabad ay kula soo noqdeen madaxweynaha arinkiina waxa laysla dhigay oo go’aan lagu gaadhay in madaxweynuhu qaatay wixii nabad ah ee ay la yimaadeen oo uu cafis bixiyo, midba si ayaa loo dhigayaa oo shalay ayaa mid lagu dhawaaqay ta kornaylkana sida ay xukuumada iyo odayaashu isla gartaan ayuunbay noqonaysaa, odayaashuna xidhayaashisii ayey ahaayeen dadkii gobolka ka soo jeedayna way ahaayeen.”ayuu yidhi Axmed Cabdi Dheere oo la hadlay Sahantv.
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Madaxweynuhu hebel cafiyi maayo iyo qofkaas cafiyi maayo muu odhan ee dhamaan wuu qaatay balse midna igala shaqeeya sidii aynu u cafiyi lahayn ee dastuurka iyo sharcigu inoogu ogolaa mid isaga ayaa leh oo halkii ayuu kaga dhawaaqay.”
"