Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Gaadhay Magaalada Baydhabo

0
Monday October 07, 2019 - 17:37:54 in News by
  • Visits: 1273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Gaadhay Magaalada Baydhabo

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Gaadhay Magaalada Baydhabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Gaadhay Magaalada Baydhabo

 


Muqdisho(HWN):-Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo socdaal ku jooga soomaaliya isla markaana uu wehelinayo dhigiisa golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa maanta gaadhay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.




Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen,guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur-galbeed iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo si weyn ugu soo dhoweeyay wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo uu qeybta ka yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad.


Wafdigan ayaa magaalada Baydhabo uga qayb galaya furitaanka kalfadhiga 5-aad ee golaha wakiilada Maamulka Koofur-Galbeed,Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro.


Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaaladaas uu gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

 

Loading...
Loading...