Cabdikariim Axmed Mooge Oo Ka Jawaabay Codsiyo Uga Yimid Bulshada Caasimada
Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ka jawaabay codsi ay bulshada caasimadu u marisay baraha ay bulshadu ku kulanto.
Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga hal celiyey codsiyoay bulshada caasimadu ku doonayeen inuu isku soo taago maayarka magaalada Hargeysa.
Jawaabta uu Cabdikariim Axmed Mooge ka bixiyey codsiga bulshada caasimada ayaa waxa uu ku yidhi:-
"Waxaan ahay qof idinla wadaaga dareenka jacayl ee aad u qabtaan magaaladeena Hargeysa, waxaan sidoo kale aaminsanahay awooddiina markaad qabiilka iska dhaaftaan ee aad dhexdiina midaysantihiin!
Waxaan codsigiina kaga jawaabayaa ducadan:
" hadaan khayr idiin leeyahay oon ahay mid rumayn kara waxaad iga filaysaan Allah hayga kiin dhigo Maayar! Hadiise aan noqonaayo heeryadii cune, markuu kursiga fuulo Alle iyo dadkiisaba ilawaaya! Alle igama kiin dhigo Maayar ee mid iga wanaagsan Allah haydin siiyo"
Waxaan kaloon balanqadayaa in intiina qabta dareenkan in aan isu kiin keeno, idin dhagaysto, ana I dhagaysataan, tashano si aan u gaadhno go'aan iyo talo aynu wada leenahay, talo iyo go'aan ka xor ah qabiil tageersiga halkaa ina dhigay"
Halgankaasi sidaa ayuu ku bilaabmey! Halkan ayuu isbadelku ka bilaabanaya.