Garnaqsi Keebaa Gali Gara...Cabdale Gaaxnuug

0
Monday October 07, 2019 - 16:49:14 in Articles by
  • Visits: 1273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garnaqsi Keebaa Gali Gara...Cabdale Gaaxnuug

    Garnaqsi Keebaa Gali Gara...Cabdale Gaaxnuug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garnaqsi Keebaa Gali Gara...Cabdale Gaaxnuug


Hogaan ku waa hagniin ama hab gadhwadeenimo oo hantaaqo la'aan xoolo ama dad ku aaminey lagu hago. Hadaba hadaan tusaale usoo qaadano Awrka qof hogaaminayo, hadii qofkii hogaaminayey intuu kusoo jeedsado uu ku yidhaa maxaad iga daba socotaa.




maxaa dhacaya?

Ugu horeyn caqli xumo miyaaney ahayn, geedi socodkii ayaa istaagaya, taladii hogaamintuna way luntey, sidoo kale ayaa hadii hogaanku caqli xun yahay, uuna u'ogalaan in wax loosheego taasuu ka jecel tahay cid usacabisa, waxaana lagu gartaa dadka sidaa u hogaanka xun, waxay soo dhaweystaan cidaan usheegi karin khalad kiisa, dad u sacabiya iyo meelo looga heeso.

Hadaba hadii dadku ka diidaan fikirkiisa qaloocan waxuu qaataa colaad uu cidaa ku gumaado asaga oo wata koox yar oo kadaba shaqaysa, awoodaa uu isticmaaley waxay sabsbtaa in wadanka dhami marka dambe ku dumo daraadii.

Markaasi Miyuu Garanqasi Gali. Karaa Kaasi Eeg Qodobada hoos ku qoran oo sheeg ku yahay

Hab-dhaqankii Soomaalidu U Gali Jireen Garnaqsiga Dacwada/Garta Laba Dhinac.

Wajiga Koowaad
Afar nooc iyaa garnaqsiga dacwada/garta loo dhigi jiray;

1. Xeer Naqsi
2. Xarago Naqsi
3. Xumaan Naqsi
4. Xoori Naqsi.

Wajiga Labaad
Marka la gudo galo garnaqsiga labada dhinac sideed (8) nin markhaati looma ogaal jirin, gudina laguma dari jirin.

1. Oof Nuug (walalka gabadhiis Oo caruurtad mid mida nuujisay)
2. Naas Jiid (gabadhi dhashay)
3. Lug Jiid (gabadh idinka qaba)
4. Geel Tuug (geelaaga maala)
5. Hiire Xasuuste (dhib hore xusuuste)
6. Gaashaan ku jiid (ina adeerka)
7. Labac Labacle
8. Suguguf (laaluush qaate)

Faalada Adigaa ku dhaafay

W/Q: Abdinasir ismail Arraleh

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...