Maalqabeen $1 Milyan U Bixiyay Si Qaxooti Muslimiin Ah Magaaladiisa Loo Dejiyo
Waa nin ganacsiga guul badan ka
gaaray, waxaana ka go'anayd in qaxootiga Suuirya uu u suurageliya inay dib u
dejin ku tagaan dalkiisa Canada, maxaa yeelay buu yiri , " waxay ahayd
arrin mudnaan leh".
Waxay ahayd sanaddii 2015-ka,
waxaana socday qorshe ay dowladda Canada ku qaabileysay qaxooti badan oo reer
Suuriya ah. Balse Jim wuxuu sheegay in dib u dhaca ku yimid qorshahaasi uu aad
uga walbahaaray, sidaa darteedna uu isaga go'aansaday inuu gacan ka gaysta
arrintan.
"Waan daawanayay waxa ka
socdo Suuriya, waxaa ii muuqatay in dowladaha galbeedka aysan si dhakhse leh
wax uga qabanayn. Dib u dhac badan ayaa jiray," ayuu yiri 62 sano jirkan.
Jim ayaa markii uu daawaday
dhibaatooyinka ay wajahayaan shacabka Suuriyaan ka ah, waxaa uu go'aansaday in
si shakhsiyan uu wax uga qabto arrinta.
Lacag dhan 1.1 milyan oo doolar
oo uu isaga shakhsiyan lahaa ayuu Jim u adeegsaday sidii qaxooti reer Suuriya
ah uu uga soo kaxeyn lahaa bariga dhexe, oo uu u keeni lahaa Magaalada Guelph
ee dalka Canada.
In Jim uu sameeyo arrintan ayaa
waxaa uu hirgelisay barnaamijka is-xambaarka qaxootiga, kaas oo dalka Canada
laga hirgeliyay 41 sano kahor, xilligaas oo barnaamijkan lagu caawin jiray
dadka ka soo qaxaya dagaaladii ka taagnaa dalka Vietnam.
Barnaamijka oo ay meel marisay
dowladda Canada ayaa muwaadiniinta dalkaas u oggolaanay inay dalkooda keenaan
muwaadiniin kale, waxaan shuruudaha kamid ah in qofka uu dabari karo kharashka
ku baxaya qofka uu keenayo.
Jim Estill ayaa 50 qoys oo reer
Suuriya ah ka soo ka xeeyay dalka Suuriya, kuwaas oo uu keenay Magaalada
Guelph, waxaana qaar badan oo kamid ah uu dejiyay isla gurigiisa. Sidoo kale
kooxaha ka shaqeeya kaniisadaha, bulshada Muslimiinta iyo 800 oo qof
mutadawiciin ah ayuu Jim la kaashaday caawinta dadkan, kuwaas oo gacan ka
geystay dib u dejinta dadkan, markii uu geeyay dalka Canada.
Dadkan ayaa qaxootigii Suuriyaan
ka ahaa siiyay guryo, u raadiyay gurya kale oo kira ah iyo dhar ay ka xirtaan
qabowga, waxaana Jim uu sidoo kale qaxootiga u radiyay dad yaqaan luuqadaha
Ingiriiska iyo Carabiga oo ka caawiya sidii ay caruurtooda u heli lahaayeen
waxabarasho, sidoo kalena u furan lahaayen akoon bangi, una radiyaan shaqooyin.
28 kamid ah dadkan ayuu Jim toos
uga shaqaaleysiiyay shirkad uu leeyahay oo ku fadhida hanti dhan 400 oo milyan
oo doolar, xarunteedana ay tahay isla Magaalada Guelph, halka kuwa kalena uu
siiyay lacag ay ku furtan ganacsi.
Jim ayaa guud ahaan dalka suuriya
ka kaxeeyay 89 qoys oo gaaraya 300 oo qof, kuwaa soo uu ka seexan waayay
dhibatada ay ku sugan yihiin, keentayna in uu nolol cusub u horsedo.
Axmad Abed oo kamid ah dadka uu
Canada geeyay Jim ayaa Magaaladii uu ku noolaa ee dalka Suuriya ka soo qaxay
sanadkii 2016-ka, kadib markii la duqeeyay gurigii uu ku noolaa oo ku yaala
Xums.
Mahad badan ha ka gaadho Jim,
waxaa Axmed iyo xaaskiisa ay nasiib u yeesheen in Jim uu geeyo dalka Canada,
waxaana xaaskiisa ay haatan dukaan lagu iibiyo sigisaanta ama sharabaadada ay
ku leedahay gudaha Magaalada ay ku nool yihiin.
Gargaarkii uu Jim u sameeyay
qaxootigan Suuriyaanka ah ayaa sidoo kale keentay in la abaal mariyo Jim, oo la
siiyo abaalmarinta labaad ee ugu sareysa dalka Canada ee lagu sharfo dadka
waxtarka leh.
Julie Payette, oo abaalmarintaa
gudoonsiiyay Julie Payette, oo ay soo wakiilatay boqoradda Ingiriiska,
Elizabeth II, ayaa sheegay in Jim uu muujiyay waxqabad wanaagsan iyo in uu rabo
in uu caawiyo bulshada, una adeego dalkiisa Canada.
BBC