Madaxdoodi Toostoo, Muqdishina Baraaruge, Miinaad Dhex Socotaa, Dameermalab La Saarow

0
Monday October 07, 2019 - 10:37:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxdoodi Toostoo, Muqdishina Baraaruge, Miinaad Dhex Socotaa, Dameermalab La Saarow

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

1-MUSUQMASUQ SOMALI WAA MEHERADOODEE,

   MARKA DAAD LA MOOSABA,MEEL BAY BANEYAN,

   MIDNIMADI LA WAAYO.MURBA LAYS WARAABSHO,

   MA MOOGANA DADWEYNIHU,MIIGII DUQEEYOO.

 

2-MAYDHIYE HAWEENKIYO,CARUURTIBA MAARUQAY,

   MUDUNKOODI DUMIYEE,MOODKA IYO WIXII NOOL,

   MAATIDII QAXAYSAYEE,MADAAFIICDA LOO XIDHAY,

   MIDHMIDHKII BAXSADAYE,MAGANSADEN SHISHEYA.

 

3-MAGDHAW DOONIMAAYO,MAAMULKOODI DUMIYAYE,

    MIYAYBA MEESHA QABATAA,KAA MAARMIMAAYIYO,

    MAAF WIXII HOREE DHACAY,MUJRIMIINTI WAXA DHIGAY,

    MASKAX XUME FARMAAJOW,MAAMUUSTA DHAMAANOD.

 

4-MAGAC AAN WADAAGNIYO,MAR KALEETO ILA DHALO,

    MUGDIGAAN KA SOO BAXAY,MIYDKII HAY XASUUSINE,

    MADOOBIYO BUDLAANBAA,MIDNIMADA U BAAHANAA,

    MAANTA KAA DHAQAAQOO,MEEL CIDLAAD DHEXJOOGTA.

 

5-MADAXDOODI TOOSTOO,MUQDISHINA BARAARUGE,

   MIINAAD DHEX SOCOTAA,DAMEER MALAB LA SAAROW,

   MADADAALO BEENAAD,MISKIIN YAHAW KU NOOSHAYE,

   DOQON MILANTAY IYO GEESIGA,MELEFSIGA KU NAAXAA,

   MIIDAAMABA KA DHALATA,MURAAYADAA MADOW SAAR.

                            ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...