Wafdi Ka Socda Dalka Jabuuti Oo Muqdisho Gaadhay
ayaa maanta gaadhay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Wafdigab ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey guddoomiyaha
golaha shacabka, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.
Waxana lagu wadaa in wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha baarlamaanka
Jabuuti ayaa saacadaha soo socda kulamo la qaadan doonaan madaxda sare ee dalka Somaliya, kuwaas oo
looga hadlayo xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah.
Sidoo kale wararka ayaa sheegay in wufuud ay hoggaaminayaan guddoomiyeyaasha
baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti ay maanta ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo
ee xarunta gobolka Baay.
Ujeedka ayaa lagu sheegay inay ka qeyb gali doonaan furitaanka kal-fadhiga shanaad ee golaha wakiilada maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo furmaya beri oo Salaaso ah.


0 





