Orodyahan Geeriyooday Ka Dib Nus Maradoonka Cardiff
magaalada Cardiff ee Ingiriiska ayaa geeriyooday, sida ay sheegeen qaban qaabiyayaasha orodkaasi.
Qaban qaabiyayaasha orodka oo loogu magac daray Run 4 Wales ayaa sheegay
in qofkaasi ay markii hore xaaladdiisa la taacaleen kooxda gurmadka degdega ah,
balse markii dambe loo qaaday cisbitalka University Hospital of Wales halkaasi
oo uu ku geeriyooday.
Waxa ay intaa ku dareen in dhammaan dadkii ka qeyb qaatay tartanka ay ka
naxeen geeridaasi, isla markaana baaritaan lagu samayn doono waxa helay
Lama shaacin heybta qofka geeriyooday ama waxa keenay dhimashada
qofkaasi.
Geeri noocan oo kale ah
Sanadkii la soo dhaafay ayaa Ben McDonald oo 25 jir ahaa iyo Dean
Fletcher oo 32 jir ahaa waxa uu wadnaha joogsaday kadib markii ay dhamaysteen
orodka nud maradoonka Cardiff. Labada nin ayaa geeriyooday muddo saddex daqiiqo
gudaheed ah.
Ma jiro baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyay geeridda raggaasi, waxaana
baaritaanka dhakhtarka uu muujiyay inay si caadi ah u dhinteen.
Dadkii ugu tirada badnaa oo tartamay
Ku dhawaad 27,500 orodyahan ayaa ka qeyb qaatay nus maradoonka Cardiff,
waxaana rikoor cusub dhigay orodyahanka ku guulaystay tartankan.
Leonard Langat oo Kenya ka socday ayaa nus maradoonka ku orday 59 daqiiqo
iyo 29 ilbiriqsi. Halka Lucy Cheruiyot oo isla Kenya ka socotay ayaa ku
guulaysatay tartanka dumarka, iyadoo ku oroday 68 daqiiqo iyo 19 ilbiriqsi.
BBC


0 





