Jubaland Maxay Ka Tiri Dalabka Ah In Doorasho Kale La Qabto?
Wasiirka warfaafinta ee Jubaland,
Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay warqadaas ay
tahay mid hareer marsan sharciga.
"Waxaan u aragnaa inay tahay
mid sharciga iyo dastuurka dalka u yaala hareer marsan warqadan ay soo saartay
wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka", ayuu yiri Cabdi Xusseen.
Wasiirka ayaa dowladda federaalka
ku eedeeyay in maalin walba ay ka lalmato mamaul goboleedyada, waxaana uu intaa
raaciyay in dhawaan ay qabanayaan caleema saarka Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe
Wasaaradda arrimaha gudaha ee
federaalka ayaa sheegtay in khilaaf siyaasadeed oo la xiriirey saxitaanka
liiska odayaasha dhaqanka ee rasmiga ah, xulistii Baarlamaanka 2aad iyo
doorashadii Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo ololayntoodu soo
socotay ilaa iyo lix bilood ay guuldareysatay.
Dowladda ayaa inta raacisay in
wixii dhacay 22-kii Agoosto 2019 ay ahaayeen "fashil ka dhashay
"afduub iyo musuqmaasuq cad" oo ay sheegtay in lagu sameeyey
hannaankii iyo habraacii doorashada ee dastuurku qeexayey, iyadoo intaa
raacisay in maamulka Jubaland uu abuuray guddi, xeerar iyo habraac dhamaantood
ay sheegtay in ay baal marsan dastuurka Federaalka iyo midka Jubbaland.
HABRAACA CUSUB
Wasaaradda ayaa sidoo kale
sheegtay in loo baahan yahay in la magacaabo guddi farsamo "oo loo dhan
yahay kana shaqeeyn doonaa soo xulidda xildhibaannada iyo xalinta khilaafaadka
iyo cabashooyinka ka dhasha doorashada"
Guddiga ayaa la sheegay inuu
ansixin doono liisaska xildhibaannada ee odayaasha dhaqanka beeluhu soo gudbiyeen,
ka hor inta aan la dhaarining xildhibanaada cusub si ay madaxweyne u soo
doortaan.
Inkastoo dowladda federaalka ay soo
saartay habraacyada soo xulista xildhibaanada barlamaanka iyo doorahsada
Madaxawyenaha ayaa hadana waxaan la ogeyn halka doorashooyinkaas lagu qaban
doonaa, maadaama Magaalada Kismayo ay gacanta ku heyso Jubaland oo dowladda
federaalka aysan wax saameyn ah ku laheyn, waxaana sidoo kale muuqata in uu sii
fogaaday khilaafka u dhaxeeya labada dhinac, kadib markii Jubaland ay jebisay
amarkii ahaa in dhamaan duulimaadyada tagaya Magaalada Kismayo ay soo maraan
Muqdisho.
BBC


0 





