Giriyaad Dhexddii Gabal Maygu Dhacay (Abdi-Shotaly).

0
Sunday October 06, 2019 - 09:05:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Giriyaad Dhexddii Gabal Maygu Dhacay (Abdi-Shotaly).

    Hees qaraamiga ka mid ah, baa ereya-deedda waxa ka mid ah " Cirkiyo dhulka meel dhex-doodda ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hees qaraamiga ka mid ah, baa ereya-deedda waxa ka mid ah " Cirkiyo dhulka meel dhex-doodda ah,
oo dhanaba jirin baan dhac-dhacayaa" oo micna-heedu yahay, meela ma haysto ee waan walhanayaa, ama aan khali duurayaa, siddii saxar dabayli wado oo hadba dhan ay ula kacayso iyo quri daad wato oo kolba derbi ka soo go'aaya, ee waa halka ay ku geyso uun eeg, waayo cago Kuma taagna ee waa kolba dhinac isku qaad. Waxa la yidhi Habar dhali wayday alleello ku waalataye, maamulkii askartu markuu meel uu qabsado waayey, isi soo dabray, gees uu u dhaqaaqo waayey, albaab kastaa ka soo xidhmay, uu isaggii isi soo handaraabay, oo hadda siddii shimbir garab ka dhaawacan duuli kari la', dhulka jiifta oo iyadu isku wareegaysa, hadba dhinc dhigaysa, is leh bal xagan ku day in ay kuu suuro-gasho, sideeddii oo kale bay hadda tallo ku cadaatay " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan", Waxa laga hayaa Abwaan Cabdilaahi dhoodaan ( Ihun), Siddii habar baraar raacday, oo laydhka qabd-siisay, warwaree-gayeey, xaafadaa waan ka baqayaaye. Allaey-lehe haday cidla ku ban-jartay, oo geed ay cuskato la'dahay, ee yaw miciin ah, waatan ku ribatay, ee jeedaalin ku waalataye iyo dhankee baad u dhaqaadaaye. saw kuma jiraan "Allaw Xero Madhan Xoolo Soo geli".

 

Maah-maah baa waxay ahayd " Is-gawrac isaga baan naf isu hayne" Hees uu ku luuqayn jirey  Maxamed Aadan Dacar, bay hadda sawirk-eeddii leedahay Somaliland, taas oo ah " Goblin tallo aduun-yooy nina tii ma gaadhee, golda-loola hoosiyo, gog-god lagama waayee", imikay bilaa ciirsi tahay, waxa uu odhan jirey Isna Cabdalle Zagzaag (IhuN)" Bad baa igu gaaf wareesan, oo cirkaan gabal ka arkayaayoo, mawjado gurxamaan dhex galayoo, guntooddii ka hadala-yaaye, ee ilayn geed la cuskadaana, ilayn cid garaabay-saane". Aan ku soo dhawaadee, baf-baftii ka dhamaatay Xaafad-tooyaddii, oo gel-gelin madhan bay is leeyihiin biyo ka dhaamiya, ee saw ayaan darro maaha. Markii aduunkii ka sii jeestay, isi soo taagtay geeri go'an, baa miciin la mooday Taageera Jubaland ( waa maamulka Kismaanyo'e). oo isaga laf-tiisu ah mid aan jirin iyo cidla ka wareer cidhib-tiisa cunaaya, may noqon soof-daran habaw lunsan. Waxay ku meeraysato Xusbiga Waddani baa Xidhiidh la leh Somaliya-ba, marna ay Xaramka ku baryo tagaan, oo ay kula kulmaan Wasiiradda Arimaha debedda iyo Maaliyadda ee Farmaajo, haday runi-run timi, oo si wacan oo badheedh ah, xaqii uu banaanka u yimi, isaga oo xagga rabbi laga soo kashifay, Maamulkii madaxtooyada Hargeysa, ee maantana maxay sheegi doonaan? Halkay ka bixi waa kuwan Weftiga u diraaya Caleema-saarka Jubalande. Ma siddii lagu yaqaanay bay tana dafiri labaddii askari, mididdii baa dul saarane.

 

Waxan ku soo xidhay akhristaw, " murtiddii  ahayd " Gerigoan cidlaa, cidan garab-sadiyo, gacal ii dhawayn, gabal maygu dhacay" Tani way iska kala dareertay, wax u hadhsanina ma jiraan, ee waa ku sii shaqayso, oo googo'a ka sii ururso intay isku dumayso, ilayn wax-baba uma hadhine. Ummad yahay maxay idin-la tahay? Oo maxaa odhan lahaayeen kuwa dhuuni raacyadda ah, ee xil ku doonka ah sacabinta maamulka askarta, haddii Xusbiga Wadanina uu Wefti u diro Gal-mudug? Sidee baa ummadda reer qudhmiye wax uga sheegi lahaayeen? Maxay-se ku warami lahaayeen?. Waxan kaloo aan idin waydiiyey, weftiga ay u direen Labadda Kismaanyo Naf maw soo celinayaa? Muxuuse ku tarayaa? Miyuu bakhti afuufayaa? ama uu ku soo kordhinayaa? Saw kama sii caqli xuma ama kama dhigna ninkii is yidhi nafta u qabo, hooyaddii oo ay ka sii baxayso, intuu quraarad afka u saaray? ujeedo iyo haatan, waxan ku soo dabray qoraalkan, Reer Xaafad-tooyo way u dhamaatay, oo waa kuwaas meel aan wax laga deyin, is yidhi ictiraaf baa ku jira,  oo wakhti aan fogayn bay isku giiji-nayaan xadhiga luqunta ugu jira, oo waa naf la caaridkii ugu dambeeyey, waa kuwaas dabay-shaday siddii wadadkii markuu caymaday lahaa " Xageen Daarood ka raacaa", ee Cali Dhuuxna ku lahaa " Waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jiraye" Waxan ku soo qoofalay ugu dambayn, naf go'aday lama soo celin karo, ee kuwani iyakaa qulaal-qulshaha iska gawracay.

* N.B Is-Gawrac Isaga Baan Naf Isu Hayn.

Qore:- Abdi-shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...