In Sacad Cali Shirre Noqdo Dilaalkii Qarnigga Naasir Yarena Yidhaa Jubaland Ayaan Tagayaa Shacabka Ma Qabato

0
Saturday October 05, 2019 - 17:23:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In Sacad Cali Shirre Noqdo Dilaalkii Qarnigga Naasir Yarena Yidhaa Jubaland Ayaan Tagayaa Shacabka Ma Qabato

    In Sacad Cali Shirre Noqdo Dilaalkii Qarnigga Ee Somaliland oo Dhan Iibiyay Dekedeedii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In Sacad Cali Shirre Noqdo Dilaalkii Qarnigga Ee Somaliland oo Dhan Iibiyay Dekedeedii
iyo Madaarkeedii Naasir Yarena Yidhaa Jubaland Ayaan Tagayaa Shacabka Ma Qabato Waxaa layaab leh iyaddoo Sacad Cali Shirre ay umaddii Somaliland oo dhami hadalhayso, yar iyo Weyn Boqolaal.Mashruuc oo Dilaalistii Dekeddaha Madaaradda Kuwii hore iyo.Kuwii Dambe ee Xukuumadahan Kulmiye islamarkaana, Wali lala yaaban yahey Sida aaney isaga Waxba uga Soo muuqan ninkii Waxaas oo dhan Dilaalay ee hadana Malaaley, oo Walibana Muuse Biixi u Dhiibtey Wasaaraddii Maaliyada isagoo Leh Waan Sii Qufuley, Waanan Soo Qufuley, ayaa inoogu War Dambeysay.

 

Haddaba Waxa wax lala yaabo ah iyadoo Tii Sacad ee Noocaa aheyd Cilinkeeda la Saari Laayahey, oo ay Reer Saaxilkii uu kasoo jeeday iyo Burcadii uu ka Dhasheyba ka fajacsan yihiin, Guux iyo gariirna laga Laayahey ayaa haddana yarkoodii Xildhibaanka ahaa indho-adeyg Fara badan lasoo horjoogsadey Shacabka Somaliland, arintaasi fajaciso iyo amakaag ayay inaku noqotey "Waxaan Tagayaa Caleema Saarka Axmed Maddoobe ee Madaxweynaha Jubaland".

 

Waxaan Maqli jirrey Waa yaab iyo Yaabka Yaabkiis. Waxaan Leeyahey, Waar Reer Cali Shiraw Umadda haka Yaabinina Sababtoo ah in Sacad Cali Shirre Dilaalkii Qarniga ee Somaliland iibiyay noqdo iyo in Imika Naasir-yarre mid Cusub noo bilaabo Waa arin aan la Qaadanayn ee Si ukala Beydha oo Umadda ka daaya Waxanoo Mashaariic ah meel fogna haka eeginee Naasir iyo Sacadba Waxaan Leeyahey Shacbigan Hooyadiin ayaa kamid ahe Bal dob u Fiiriya oo u Tudha oo ilmaadeerayaal Mashaariicda iyo Dilaalista inaka Daaya.

 

 Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

0634466339


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...