Iswaraysi Na Dhex Maray Aniga Iyo Boqor Buur-Madow (BM)

0
Saturday October 05, 2019 - 09:38:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iswaraysi Na Dhex Maray Aniga Iyo Boqor Buur-Madow (BM)

    Hello boqor bal warran waa Xaajigiiye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hello boqor bal warran waa Xaajigiiye.

BM: Abti waa khayre iska warrama beryahaa ismaynaan maqale!


Aniga: Abti waa la fiican yahaye, dee hadalkaagiina maantana waan dhegeystay.



BM: Abti ninkani waa nin nasakha oo aflagaaddo iyo cay buu siyaasadda ka bartay.


Aniga: Waa runtaa abti, laakiin si fiican oo gobannimo leh baad ula hadashay.


BM: Abti dee waad ogtahayoo dadkeennan reer Somaliland dhaqan baynu leenahayoo xididka iyo inanka abtiga loo yahay ee inantu dhashay dhinacooda laynagama maro. Abti waa inaynu dhegta ilaalinnaa. Khadra Xayd waa inan reer Somaliland ah, ninkeeduna xurmuu inaga mudan yahay.


Aniga: Abti waa runtaa gobannimadu waa sidaa, waa inaynu "dhegta ilaalinnaa".


BM: Haa abti, ma qaadan karno in hablahayaga horteenna lagu aflagaadeeyo iyaga iyo saygooda iyo carruurtay dhaleen toonna


Aniga: Abti waxaan ku weydiiyey, ma hablaha reer Sheekh Isaxaaq uun baad ragga qaba xaalka iyo xurmada siisaan mise hablaheenna oo dhan.


BM: Abti mayee dee waa innagoo dhan maxaynu kala nahay innagu, dadka reer Somaliland ama reer waqooyiba ugu yeedhe dhammantood waa isugu kay mid oo isku si baan sumacaddooda u ilaaliyaa ama bari ha kasoo jeedaan ama galbeede.


Aniga: Abti wiilkan inanteennu dhashay ee kii afka kala qaadaaba ee reer Sheekh Isaxaaq ahi nacladda ku saydhayo miyaan gabadheennu dhalin?


BM: Inankee weeye kaasi, anigu arrinkaa maba ogiye.


Aniga: Dee inankan Farmaajo ee gabadheennu dhashay? Weliba adiga gabadha dhashay ee ina Xasan Bile waabad isxigtaanoo isku degaan baad kasoo jeeddaan, dhanka kalena waaba habaryartaa!


BM: War abti dee taasi waa arrimo siyaasadeed


Aniga: Siyaasad aa! Oo ina Cumar Geelle waxan Faysal ku durayaa miyaanay siyaasad ahayn, ma xoolahooda ceel ku kulmay?


BM: War abti dee bal waa inoo mar kale nin aanu xaajo wada wadnay baa ila soo hadlayee.

Aniga: Taasaa la leeyahay ha is raacdo! Boqor nabadgelyo.

 

Markaan telefoonkii dhigay baan hurdadii ka soo booday!

 

Mohamoud Ibrahim (Xaaji).


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...