Madaxweyne Muuse Iyo Kulmiye Haddii Ay Dalka Ku Celiyaan Halkii Uu Taagnaa Wakhtigii Uu Daahir Rayaale Uu Ku Wareejiyey Siilaanyo Somaliland
Guulbay u tahay,dib u Tiri 15 sanno by Mustafa sh Q1aad
Runtii haliba halka ay ku dhashaa waa ayaankeed, hogaamiye kastaa wakhti xileedkiisu waa nasiibkii, aniga oo ka mid ah dadka inta badan wakhtigoodii Qaaliga ahaa ku soo Qaatay Taageerada Xisb xaakimka Kulmiye iyo xukuumadihii ka dhashay, Waxan inbadan isku qancinaayey in xukuumadaha kulmiye ay noqon doonaan kuwo u horseeda dalka Horumar la taaban karo, xukuumaddii uu gadhwadeenka ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo waynu ognahay halka ay dalka soo gaadhsiisay iyo sida ay u samaysay Maamul daadajin dhankastaba gaar ahaan Maamul daadajinta Qabyaaladda oo ahayd Barnaamijka ugu horeeyey ee ay Mudnaanta siisay, Waxa aynu ognahay in Madaxweyne Daahir rayaale kaahin uu ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo maalintii uu xilka ku wareejinayey waxan kugu wareejiyey dal iyo dad mid ah, Sida aynu lawada socono Maanta dalku halka uu marayo cidna loo sheegi maayo.
Waxa inagag Filan Kulanka uu Madaxweynihii hore ee somaliland Dahir rayaale uu u qabtay Hogaanka dhaqanka Gobollada Galbeedka isaga oo ku booriyey adkaynta Midnimada Bulshada Gobolka Awdal, kudhawaad Toban sanno in maanta midnimadii Gobolka awdal dib loo raadiyo waa Fashil siyaasadeed oo Xisbiga Kulmiye Ka Mas'uulyahay, haddii Gobolkii awdal ee aqoonta Somaliland la bidayey uu ardaa ardaa u kala fadhiyo oo bulshadu kala qaybsantahay, maxaad ka filaysaa Goboladii kale ee dalka, Waa arin ugub ku ah Somaliland Madaxweyne xilka wareejiyey in uu ka adkeysan kari waayo xaaladda uu dalkiisu marayo islamarkaasna uu isagu fidiyo gogol nabadeed waa wax ku cusub Dhaqanka Siyaasadda Somaliland,waxayna jawaab u tahay hadalkiisii hore ee uu ku yidhi waxan idinku wareejiyey dal iyo dad mid ah,taasi oo macnaheedu yahay kulmiyoow aaway dad iyo dalkii midaysnaa ee aan idinku wareejiyey?
Ma boorama ayaa xaafado u kala fadhida, Runtii waa su'aalo ay jawaabtoodu nagu adagtahay haddaanu nahay Xisbi xaakimka iyo xukuumaddiisa,
Madaxweyne Muuse biixi iyo xukuumaddiisa waxa guul u ah in uu dalka iyo dadkaba ku celiyo halkii ay taagnaayeen wakhtigii uu Madaxweyne daahir rayaale uu xilka ku wareejinayayey Madaxweyne Siilaanyo, Ninbaa laga sheegaayey waar neefka haragiisii yaa igaga celiya, Waxan buroqabnaa haddaanu nahay kulmiye in aanay somaliland dhabtayada ku burburin, waxqabada ha inoo dambeeyee, Waxan ugu baaqayaa reer kulmiye in aynu ka faaiidaysano barnaamijkaa uu bilaabay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir rayaale islamrkaasna aynu gaadhsiino dalka intiisa kale si loo helo dal iyo dad mid ah.waa haddii aynu sax u aragno haddii aan la inooba hoos ordin kulankaasi,sidaynu ku naqaanay xeerkii QAAXOOLOGY GA, guntii iyo gabogabadii Su'aashu waxay yahay Ma kulmiye ayaa ciyaartii ceerigaabada isla ciyaaray mise cidkale ayaa jiibta dhabqisay, halkee ayey salaadu ka xidhmi laadahay? Su'aalahaasi iyo kuwo kaleba waxaynu ku soo Qaadi doonaa insha Allah Qormooyinkeena dambe ee la socod wacan
MAXAAN TALO MEEL KA DAYEY,WEYDIIYEY QOF MEEL KA DAYEY,
KULAABTAY HALKAAN KA DAYEY
By Mustafa Sh òo jooga Gobolka iskii isku magacaabay ee Gabiley
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...