Nin 29 Jir Ah Oo Aabihii Maxkamad Geeyay Si Lacag Looga Qaado
in uu siiyo lacago uu noolashiisa ku dabaro ayaa kiiskiisa ku guuldareystay.
Garsoore Aggrey Muchelule ayaa ku amray wiilka oo agaasima ka ah
shirkad shidaal in uu bixiyo qarashaadkii aabihii uga baxay intii uu kiiska
socday.
Kiiskani oo maxkamadda yaalay saddex sano ayaa ninkan oo 29 jir
ah waxa uu dalbanayay lacag dhan Sh2.8 milyan oo u dhiganta 28000 oo doolar.
Lacagtan ayuu maxkamada ka dalbaday in uu aabihii bixiyo si uu
ugu biiro jaamac islamarkana u sameeyo shahaadada labaad ee barashada la
dagaalanka argagixisada iyo arrimaha ammaanka.
Garsoore Muchelule ayaa sheegay in Allan Njau Waiyaki, uu helay
shahaadad koowaad ee jaamacadda iyada oo qarashaadka uu bixinayay aabihii Eddie
Waiyaki Hinga.
Garsooraha ayaa sheegay in Allan uu imika yahay agaasimaha
shirkad batroolka ka shaqeysa dakhli na uu ka soo galo islamarkana uusan u
baahnayn in uu isku haleeyo aabihii.
Maxkamadda ayaa tuurtay kiiska Njau ka dib markii ay ogaatay in
masuuliyada waalidkiisa ay ku egtahay 18 sano jir.
Njau ayaa ku dooday in aabihii uu yahay nin maalqabeen ah
islamrkana masuuliyad la mid ah midda hooyadii ay ka saaran tahay daryeelka
wiilkiisa.
Waxa uu ku andacooday in hooyadii ay siisay lacag dhanSh2.6
milyan ah oo u dhiganta 26000 oo doolar.
Waxa uu maxkamadda ugu baaqay in aabihii lagu qasbo in uu
lcagtaas bixiyo taasi oo ay ka mid tahay lacagtii uu ay hooyadii siisay.
Aabihii oo lagu magacaabo Waiyaki ayaa dhankiisa ku dooday in
wiilkiisa uu soo waxbaray islamarkana uu masuuliyadiisa hayay ilaa 22 sano uu
ka gaarayay.
Maxkamada ayaa ku raacday Mr Waiyaki waxayna tuurtay kiiska
wiiilkiisa.
BBC