Tirada Dadka Ku Dhintay Rabshadaha Ciraaq Oo Sare U Kacday
Tirada ayaa laba laabmatay 24-kii
saacadood ee la soo dhaafay, xilli ay sare u kaceen iskudhacyada u dhaxeeya
dibadbaxayaasha iyo booliska.
Milateriga ayaa sheegay
"shiishyahanno aanan la ogaan waxa ay yihiin" ayaa waxa ay magaalada
Baqdaad ku dileen afar qof oo ay ka mid yihiin laba askari oo boolis ah.
Ra'iisul Wasaare Caadil
Cabdul-Mahdi ayaa goor sii horraysay sheegay in "dalabaadka saxda ah"
ee dibadbaxayaasha la maqlay, balse waxa uu dalbaday in la isdajiyo.
Dibadbaxyada aanan la sii
qorshayn ayaa waxa ay bilowdeen Talaadadii xilli uu aad sare ugu kacay walwalka
ka taagan shaqa la'aanta heerka sare ah ee haysata dhalinyada, adeegyada
bulshada ee aadka u liita iyo musuq maasuqa dalkaasi ka hareeyay.
Arrintan ayaa waxa ay noqonaysaa
loollankii ugu waynaa ee ay soo wajahdo dowladdan jilicsan ee Mr Mahdi, taas oo
awoodda la wareegtay sanad ka hor
Weriye ka tirsan wakaaladda
wararka ee Reuters oo ku sugnaa Ciraaq ayaa sheegay in tiro dad ah oo ka qeyb
qaadanayay dibadbaxyada ay rasaas madaxa iyo caloosha kaga dhacday.
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay
dibadbaxyadii shaley ka dhacay dalkaas, sida laga soo xigtay ilo wareedyo
caafimaad iyo laamaha amniga.
Dibadbaxyada rabshadaha wata ayaa
hareeyay magaalada Baqdaad gaar ahaan deegaanada ay u badan yihiin Shiicada.
Waxaa sidoo kale dhimasho laga
soo tebiyay magaalada Koonfurta ku taal ee Nasiriya.
Ra'iisul wasaaraha Ciraaq, Caadil
cabdul Mahdi oo markii ugu horreysay ka hadlay telefishinka qaranka wuxuu
sheegay in dadka dibadbaxyada gudaha dalkaas ay xaq u leeyihiin inay codsadaan
so afjariidda musuq maasuqa balse arrintaas ay qaadaneyso in muddo ah si
isbaddal loogu tallaabsado.
Ra'iisul wasaaraha Ciraaq wuxuu
ballan qaaday inuu isku dayi doono inuu meel mariyo sharci cusub oo dhigayo in
dadweynaha reer Ciraaq ee saboolka ah inay helaan dhaqli laga maarmaan u ah
noloshooda.
Ra'iisul wasaaraha wuxuu sidoo
kale ka dhawaajiyay in bandowga lagu soo roggay dalka looga golleeyahay in
ammaanka loo xoojiyo si gacanta loogu dhigo dadka kusoo dhex dhuumanayo
dibadbaxyaasha ee carqaladeynta wado.
BBC