Suldaan Maxamed Sul Cabdiqaadir Oo Eedeeyey Boqor Buurmadow, Fariina U Diray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid

0
Friday October 04, 2019 - 19:07:22 in News by
  • Visits: 3675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Maxamed Sul Cabdiqaadir Oo Eedeeyey Boqor Buurmadow, Fariina U Diray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid

    Suldaan Maxamed Sul Cabdiqaadir Oo Eedeeyey Boqor Buurmadow, Fariina U Diray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Maxamed Sul Cabdiqaadir Oo Eedeeyey Boqor Buurmadow, Fariina U Diray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid


Hargeysa(HWN):-Suldaanka guud ee beelaha somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa jawaab ka bixiyey dhawaaq ka soo yeedhay boqor Buurmadow oo uu xaal kaga bixiyey gudoomiyaha xisbiga Ucid.


Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa meesha ka saaray xaal uu boqor buurmadow ka bixin karo hadalkii uu gudoomiyaha Ucid ku weeraray madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Image result for suldaan maxamed iyo boqor buurmadow


Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Arinka uu ka hadlay boqor Buurmadow waa eray gaf ah waana arin aad u fool xun qofkuna wixii uu ku hadlay in saani loo sheego ayey ku wanaagsan tahay laakiin wax aanu hadalkaas ku soo qaadin in laga sameeyo waynu garanaynaa waxa loo jeedo, boqor Buurmadow horta waa nin fudud, fudayd dartii ayaana u gaysay inuu sidaas u hadlo dhaqankana way ka baxsan tahay oo madax dhaqameedka somaliland mawqifkooda waa arin ka baxsan, waxaan leeyahay boqor Buurmadow hadii uu ku gefay Faysal Cali Waraabe waxaan leeyahay Faysal anaga ayaa xaal ka bixin karna laakiin isagu xaal kama bixin karo raalina kama nihin faragelinta uu ku sameeyey arinta faysal.”


Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray boqor Buurmadow "Dawlada Jabuuti wixii ay somaliland u tartay nin waliba wuu xusuusan yahay ogsoon yahaylaakiin waxa uu ku hadlay Boqor Buurmadow waxaan leeyahay aad ayaan uga xunahay, ninkaas faysal inuu aflagaadeeyo oo wax aanu odhan ka sheekeeyo waa arin fool xun, boqor Cismaanow inaynu iska weerarno madaxda dalka madaxtinimada ka doonaysa inaynu iska weerarno inagamay dhaxayn barina waxa soo bixi doona mid aad wax isku tihiin oo doonaya inuu dalka madaxweyne ka noqdo markaa sidee ayaad ugu maaro helaysaa marka aad waxaas ku hadasho ee aad soo horkacdo, waxay ila tahay Eray gafa waa la yidhaahdaa laakiin eray aan meelna gaadhayn waxbana aan ahayn oo aad shakhsiyad ku weerarayso goorma ayaad ka waynaan.”


Sidoo kale suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa eedaymo u jeediyey boqor Buurmadow "Anigu waxaan leeyahay boqor Cismaan dhaqankii ayaa ka maqan oo dhaqankii ay somaliland iskugu timid ayaanu aqoonba, ninkuna haduu dhaqanka ka baxo oo uu erayo gaf ah yidhaahdo lama aamini karo markaa cida uu boqorka u yahay waxaan leeyahay arintaas boqorka xaal haka bixiyaan laakiin Faysal anaga ayaa xaal ka bixin karna hadii uu ku gafo dawlada jabuuti, anaguna waxaanu leenahay wax ceeb ah muu odhan laakiin boqorku muu soo dhawayn arinkii Faysal oo wuu sii fogeeyeybaoo waxaanu ku hadlin inuu xaal ka bixiyo waaba ka xaaraan.”


Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa fariin toos ah u diray gudoomiyaha Ucid "Faysal waxaan leeyahay raali ahow aniga oo suldaankii guud ee beelaha soomaaliyeed ah ayaa xaal ka bixiyey ninkaas Boqor Buurmadow waxa uu ku hadlay, markaa waxaan leeyahay Faysal ma gaadhi kartid caqligaagana dib ula tasho oo wixii beelaha aad foolxumo u soo jiidayso waa inaad ka fiirsataa.”

Loading...
Loading...