Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Eedaymo Culus U Jeediyey Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya

0
Friday October 04, 2019 - 18:44:06 in News by
  • Visits: 1853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Eedaymo Culus U Jeediyey Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya

    Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Eedaymo Culus U Jeediyey Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Eedaymo Culus U Jeediyey Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya


Kismaayo(HWN):-Madaxweynaha maamulka Jubboland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa eedaymo culus u jeediyey dawlada federaalka ah ee soomaaliya.


Madaxweyne Axmed Madoobe oo la hadlay warbaahinta ayaa dawlada soomaaliya ku eedeeyey inay dayacday amnigii isla markaana uu gacanta ka baxay hubkii loogu tala galay ciidamada.

Image result for axmed madoobe


Madaxweyne Axmed Madoobe waxa kale oo uu dawlada ku eedeyey inay furfurtay ciidamadii dawlada waxaanu hadalkiisa ku bilaabay "Amnigu maanta halka uu marayo waad garan kartaa, xaaladiisuna halka ay taagan tahay, waxaad garan karaysaa amnigii wadanka ee laga shaqaynayey in laga doorbiday in la furfuro ciidamada, hubkiina gacanta dawlada ka baxo oo wax waliba gacanta ka baxaan, waxyaabaha dhacaya qaarkood wax sahlan maaha oo wax dawladnimo ah oo dalku ku sii socon karo maaha, wadankani in gacmaha layska qabto ayuu u baahan yahay maantana sidan waxba kuma sii socon karaa.”


Sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey inta qarax ee dhacday ayaa la garanayaa in shacabka laga badaabiyo dhurwaayada oo dhabta aynu ka hadalno kana shaqayno amniga oo aynu ka soo jeesano waxa maanta laga shaqaynayo.”

Loading...
Loading...