Maxkamad Go'aan Ka Gaadhaysa In Raysal Wasaaraha UK Loo Xidhi Karo Heshiis La,aanta Brexit

0
Friday October 04, 2019 - 18:26:13 in News by
  • Visits: 2437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Go'aan Ka Gaadhaysa In Raysal Wasaaraha UK Loo Xidhi Karo Heshiis La,aanta Brexit

    Maxkamad Go'aan Ka Gaadhaysa In Raysal Wasaaraha UK Loo Xidhi Karo Heshiis La,aanta Brexit

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad Go'aan Ka Gaadhaysa In Raysal Wasaaraha UK Loo Xidhi Karo Heshiis La,aanta Brexit


Maxkamad ku taalla Scotland ayaa la weydiistay in ay go'aan ka gaarto in xabsiga la dhigi karo Boris Johnson, hadduu heshiis la'aan UK ka saaro Midowga Yurub.


Loollan sharci ah ayey hadda maxkamadda dhageysaneysaa kaas oo la xiriira in ra'iisul wasaaraha lagu qasbo inuu dib u dhigo ka bixidda EU, haddii lagu heshiiyo in heshiis la'aan la kala baxo.

Boris Johnson


Si kastaba, Boris Johnson wuxuu sheegay inuu ka doorbidayo "inuu god ku dhex dhinto" halkii uu hoggaamiyayaasha Yurub uu ka weydiisan lahaan muddo kordhin.


Kiiska hadda la gudbiyay waxaa lagu eegayaa arrinta dhici karto haddii uu diido in uu sameeyo waxa sharcigu qabo.


Waxaa go'aanka qeyb ka noqon kara in xitaa karaaniga maxkamadda uu warqad u diro EU isagoo matalaya Mr Johnson, uuna weydiisto waqti kordhin cusub.


Caddeynta hordhaca ah ee qareen u doodaya kuwa kiiska gudbiyay, waxaa ka muuqata dalab ay dowladda UK u gudbisay maxkamadda, kaas oo muujinaya in Ra'iisul Wasaaraha ay suuragal tahay in uu diro warqad uu ku dalbanayo muddo kordhin haddii 19-ka bishan October la isku raaci waayo heshiiska.


Aidan O'Neill, wuxuu sheegay in arrintan lagu tilmaami karo qoraallo is diidan oo ka yimid Boris Johnson uuna u diray Baarlamaanka oo sheegaya in UK ay Midowga Yurub ka bixi doonto ugu dambeyn 31-da bishan October.


Lord Pentland wuxuu dhageysan doonaa doodda dhinacyada ee ah saameynta ay Ra'iisul Wasaaraha ku yeelan karto haddii uusan sameyn sida laga doonayo. Dadka gudbiyay waxay soo jeedinayaan "in la ganaaxo ama la xiro".


Garsooraha wuxuu xukun hordhaca ah, oo qeyb ka mid ah kiiska, gaari doonaa Isniinta, ka dib marka garsoorayaasha hoose ay go'aamiyaan haddii maxkamadda ay adeegsan karto awood u suuragelineysa in ay saxiixdo warqad ku socota hoggaamiyayaasha EU, haddii Mr Johnson uu diido inuu sidaa sameeyo.


Wuxuu si joogto ah u sheegayay in Xeerka Benn uu la mid yahay "Sharciga is dhiibka" kaas oo awoodda ka qaadaya dowladda iyo awoodda dalka ee go'aanka looga gaarayo illaa muddada ay ka sii mid ahaanayaan EU, iyadoo awooddaas la siinayo Midowga Yurub.


Dowladda Britain waxay ku adkeysaneysaa in diiradda ay saareyso heshiis uun, si EU ay uga baxdo ugu dambeyn dhammaadkan bishan oo ah xilliga ugu dambeeya, balse waxay sheegeysaa in heshiis la'aan ay tahay waddada kale ee u furan.


Kiiska waxaa gudbiyay ganacsade caan ah, Dale Vince, Jo Maugham iyo xildhibaan Joanna Cherry.


Waxay doonayaan in maxkamadda ay xukunto illaa heerka uu Johnson u hoggaansami karo xeerka ay ansixiyeen xildhibaannada ee lagu magacaabo "Benn Act". Wuxuu dowladda ka dalbanayaan in muddo kordhin ay dalbato haddii heshiiska uu baarlamaanka fasixi waayo, ugu dambeyn 19-ka bishan.


Wuxuu Arbacadii sheegay in "uusan shaki ku jirin" in waddada keli ah ee u furan ay tahay, gudbinta qorshe cusub oo ka bixidda ah, dowladdiisana ay isu diyaarisay ka bixid iyadoon la heshiin.


line

Muxuu kiiska laba qeyb u yahay?


Waxaa loo maleyn karaa in hal tareen ay isla saaran yihiin - balse marka taa laga soo tago, way kala qeybsan yihiin waxayna u muuqataa in laba jiho loo kala socdo.


Marka la eego Xeerka Benn, Boris Johnson waa inuu raadiyo muddo kordhin haddii Baarlamaanka uu ogolaan waayo heshiiska.


Kiiska maanta la dhageystay wuxuu ku saabsan yahay daweynta ama ciqaabta uu la kulmi karo ra'iisul wasaaraha hadduusan waqti kordhin raadsan - haddii taas ay noqoneyso ganaax ama xabsi.


Isbuuca soo socda, waxaa jiri doono kiis kale - waxaa loo garanayaa kiiska nobile officium - wuxuu ku saabsan yahay in haddii maxkamadda ay awood u leedahay saxiixidda warqad uu ka maqan yahay Boris Johnson, iyadoo dalbaneysa waqti dheeraad ah, waa haddii uu Johnson diido in uu sidaas sameeyo.


Waxaa suuragal ah in warqadda uu saxiixo karaaniga maxkamadda.


Arrimahaas oo dhan waxaa racfaan looga qaadan karaa maxkamadda sare, iyadoo go'aanka uu meeshiisa yahay.


Dowladda waxay sheegtay in ay ku dhegganaan doonto sharciga, balse ay dooneyso in ay tijaabiso xadka uu leeyahay waxa sida sharciga ah loogu baahan yahay.


line

Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Dominic Raab, wuxuu soo jeediyay in dowladda "ay u hoggaansami karto sharciga" balse ay dooneyso "in ay tijaabin karto xaduuda uu leeyahay waxa sida dhabta loogu baahan yahay ee sharciga ah".


Ka hor kiiska maxkamadda ee lagu dhageystay Edinburgh, Ms Cherry waxay sheegtay in "caddeyn muuqata" ay jirto oo ah in Mr Johnson uu doonayo inuu baalmaro sharciga.


Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...