'' Siyaasaddu Seedi Maleh ''.
Ilmaabti,Habar-wadaag , dhareer wadaag iyo halgan wadaag.
Waxay soo wada mareen halgan adag oo ay
dhufayskiisa ku wada jireen 17 sanadood 1974 ilaa 1991 , ka dib markii
labadoodii jabhadood ee TLF iyo EPLF ay xukunka ka tuureen taliskii Mingiste
Haile Mariam , waxay isu noqdeen Madaxwayne iyo ku xigeen sida magacyadoodu u
kala horeeyaan .
Sanadkii 1993 markii Wadankii Ethopia u kala
go'ay labadda wadan ee Ethopia iyo Eriteria , Mid waliba wuxuu hogaamiye u
noqday wadankiisa oo uu caynaankiisa qabtay .
Hadaba sanadkii 1999 markii Ereteriya
samaysatay lacagteeda loo yaqaano Negfa ayaa labada wadan uu dhexmaray khilaaf
dhaqaale , ka dibna waxaa ku xigay khilaaf xuduudeed oo sababay Dagaalkii
faraha lagaga gubtay ee soo noqnoqon jirey .
Sanadkii 2005 mar u qaybsantii arrimaha Afrika
ee wasaaradda arrimaha dibeda ee Maraykanka , haweenaydii la odhan jirey Jenddy
Freizer , ayaa waxay ku tidhi Madaxwayne Isayaas , waxaa tihiin laba nin oo
ilmaabti ah , maxaa keeney in aad is dishaan , waxaanu ugu jawaabay Mr Afwerqi
'' Khilaafkayagu maaha mid dhaqan , dhaqanka waxaanu ku xalinaa hab soo jireena
, waxaana aanu ku kala baxnaa Magaalo la yidhaahdo Biato oo ay joogaan
waayeelku , kuwaaaana na kala saara ' laakiin waxaanu isku haynaa dano qarameed
, wadan walibana wuxuu leeyahay dantiisa gaarka ah , qabkiisa iyo qiyamkiisa .
Sidaas ayaanay u shaqaysaa siyaasddu
aduunyaddu , sideedabana siyaasaddi seedi maleh iyo sodog toona .
W/Q: Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!