Raysal Wasaaraha Holland Oo Ka Hadlay Sababta Uu Xafiiskiisa Ugu Tago Baaskiilad
Raysal wasaaraha dalka Holland Mark Rutte ayaa ka hadlay sababaha uu u doorbiday inuu baaskiil ku tago xafiiskiisa shaqada.
Raysal wasaare Mark Rutteayaa wargeyska World Economi Forum u sheegay in labadii sanadood ee ugu dambeeyey uu baaskiilad ku tagayey xafiiskiisa shaqada taas.
Raysal wasaare Mark Rutte oo ka hadlaya sababta uu baaskiilad ugu tago xafiiska shaqada ayaa waxa uu yidhi "maan isticmaalin baaskiilad toban sanadood laakiin labadii sanadood ee ugu dambeeyey waxaan dib u isticmaalay baaskiiladayda mar kasta oo ay cimiladu ii ogolaato waxaanan ku tagaa xafiiskayga shaqada.”
Sidoo kale raysal wasaare Mark Rutte ayaa ka hadlay sababta ay dadkiisu u jecel yihiin isticmaalka baaskiilada "Dadka Holland way jecel yihiin baaskiilada sababta oo ah waxaanu nahay dal yar, waxaan markaba gaadhaynaa meesha aanu u socono,dabcan waanu kaxaysan karnaa gaadhi balse cidhiidhiga jira iyo cimilada ayaan noo sahlayn inaan mar kasta kaxaysano,laga soo bilaabo wakhti hore oo ah dabayaaqadii qarnigii 19aad waxaanu isticmaalaynay baaskiilad.”
Halkan Guji Si Aad U Sii Akhrisato