Saraakiil Mareykan Ah Iyo Taliban 'Oo Kulmay'
u qaabilsan Afghanistan Zalmay Khalilzad, sida ay laba ilo-wareed u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Kulankan
ayaa ah xiriirkii ugu horreeyey ee la ogyahay ee dhex mara labada dhinac tan
iyo markii madaxweynaha Mareykanka uu ka baxay wada-hadallada, bishii tagtay.
Trump
ayaa hakiyey wada-hadallada, kadib markii askari Mareykan ah iyo 11 qof oo kale
ay ku dhinteen qarax ka dhacay Kabul.
Wada-hadallada
ayaa looga dan lahaa qorshe ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan Afghanistan,
ayaga oo dhaafsanaya in Taliban ay damaanad qaaddo amniga.
Si
kastaba, ilo-wareedyada ayaa sheegay in kulanka oo ka dhacay caasimadda
Pakistan ee Islamabad, islamarkaana socday in ka badan saacad, aysan macnaheedu
ahayn in wada-hadallada ay dib u billowdeen
"Saraakiisha
Taliban waxay kulan la yeesheen Zalmay Khalilzad...waxa aan kuu sheegi karo
kaliya ayaa ah in Pakistan ay kaalin ka cayaartay inay ka dhaadhiciso
muhiimadda hanaan nabadeed” waxaa sidaas Reuters u sheegay sarkaal sare oo
Pakistani ah oo codsaday inaan la magacaabin.
Waxa
uu intaas ku daray in kulanka, oo sidoo kale uu xaqiijiyey ilo-wareed kale,
uusan ka dhigneyn wada-xaajoodyada nabadeed oo si rasmi ah dib ugu billowday,
hase yeeshee looga dan lahaa in dib loogu soo celiyo kalsoonida.
Safaaradda
Mareykanka ee Islamabad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Washington ayaa
diiday inay wax jawaab ah ka bixiyaan in kulan uu dhacay.
VOA