Adoon Gar Lahayn Hay Gunuusina ( Abdi-shotaly).

0
Friday October 04, 2019 - 17:36:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adoon Gar Lahayn Hay Gunuusina ( Abdi-shotaly).

    Gebgeb-laan nacay, runta gees mara, oo go' beeleed,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gebgeb-laan nacay, runta gees mara, oo go' beeleed,


ku gabada'oo, golahuu tago, gafuur buuriyo, gurxan hoosuun, gaalaa-bixiyoo, godob aan jirin, ku guuraabasa, dadka kala gura, geyiggii rogay, wax-ba garanayn, midaan khalad gelin, gefka ku raroo, reer gargaar-sadda. Jooji goojadda, adoon gar lahayn hay gunuusina. Akhristaw intaa dabadeed, waxan maanta qalinka u qaatay in aan banaanka soo dhigo, qaar ciiro isku qariya, oo waxay hoosta ku haystaan iyo afka waxay ka sheegayaan ay cirka iyo dhulku intay isu jiraan ka kala fog yihiin. aan kuu sii dhex galo'e, waxay ku marmar-soodaan in ay somaliland difaacayaan, ummadana daacad u yihiin, oo ay xaq ku sheegaan iyo maamul wanaag, waxa dalka ka dhacaaya ee curyaamiyey, burburiyey, meel walba ka handaraabay, ee ku salaysan eexdda, sababta ay u samaynayaan sidaasina ay tahay, mid anaka ah baa kursiga ku fadhiya, hadana ku andacoodda beel baa wax laga sheegaa, oo fuqa taaga marka maamulka iyaka ka soo jeedda, xumaan-tiisa la sheego, iyaka oo diidan in waxay walaaqanayaan la soo hadal qaado, oo dadka la tuso arimaha badheedhka iyo ula-kas loogu kacaayo, misna afka boodhka soo marsanaaya, dabeed cabaad ka kacaaya, saw wax lala yaabo maaha iyo hasha geela cunta ee cabaadda.

 

Adoon daliil kale u doonin kuwa sidaas u dhaqma, baa Macalin/abwaan gaariye ( Illaah raali ha ka ahaadee), murti uu lahaa baa waxay inoo biniixinaysaa arimaha cayn-kaas ah, waxana uu yidhi isaga oo fasilaaya kuwaas ufadda iyo ceeryaanta isku qarinaaya " Markaad hebel duqaysaa, reer hebel damqanayaa, mara hebel la magac dhabo, baa laga daba qufacayaa" oo micana-heedu yahay, kolka aad mid maamulka askarta ku jira laga hadlo, baa qaar aabahood goblamayaa oo sanka iyo dibnuhu bararayaan, oo ay lafta dibiga dib u wadda liqayaan, iyaka oo dirir hoosta oo maamulka ka soo jeedda u dagaalamaaya, hadana ku af gobaad-sanaaya, oo muwaadiniinta ku leh khaladka joojia Somaliland baa duminay-saane. taasi waxay cadayn u tahay in ay kula socdaan, kala soo cidda ummadda loo kala ab-tirinaayo, makaxmadda beelo gaar ah caabuddda, ina loo samaysatay in lagu xidho. kuwa iyaka ka soo jeedaa haddii aduunka oo dhan soo rogaan, waxay leeyihiin wax-ba may dhimin, inta kale-na haday qufacaan jeelka baa la dhigayaa. waxa sidaas ah kuwa ku taageersan, ee difaaca beelaysan awgeed budhka u sita, misna bilaa denbi iska soo dhigaaya.

 

Shimbirta qoolaydda la yidhaaho, baa derbi cad oo la nuuradeeyey, iyadda oo arkaysa afka ku dhufata, dabeed markuu jabo, dhulka ku soo dhacdda, waxa cayn-kaas ka dhigan kuwan indhaha iska soo tuuraaya, ee waxay arkayaan, hadh iyo habeen hor-toodda iyo hareera-hoodda ka dhacaaya ku raacsan, oo halkii ay khaladka ka sheegi lahaayeen, ka qaban lahyeen, ka talin lahaayeen cadaalad iyo sinaanta, u halgami lahaayeen wadda jirka ( Waa haddii ay rabaan dal la wadda leeyahaye), baa ay u sii sacabi-nayaan, hadana reer baa wax laga sheegayaa ay kula hor imanayaan, xagee ciyaar-taas laga dheelaa ma galbeedka? Waxan ku soo qoofalay maqaalkan, haddii aad cirka soo gujinay-saan iyo haddii marka maamulka xumaan-tiisa la sheego-ba aad u damqanaysaan hoos ahaan, annaka baa madax ka ah, cirka haysku shareerto, la joojin maayo in ummadda loo sharaxo, oo loo tilmaamo, lana tuso oo farta loo saaro, halka ay salaadu ka xidhmi la'dahay, taas oo ah maamul ku sheegan qabyaaladda ku dhisan iyo xukunal-qarqooshka hantidda ummadda lagu xadaayo, been-tana lagu gasaan-gasaayo, ee la dafiraayo iyadda oo lagu hayo tuugo cadaan ah iyo wax is daba marin joogto ah.  

* N.B Gari-Ma Ku Gashaa,Adiga Ma Kaa Baxdaa?

Qore:- Abdi-Abdi-shotaly.

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...