Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Muhiimada Ay U Leedahay In Maraykanku Furo Safaaradiisa Muqdisho

0
Friday October 04, 2019 - 17:34:33 in News by
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Muhiimada Ay U Leedahay In Maraykanku Furo Safaaradiisa Muqdisho

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Muhiimada Ay U Leedahay In Maraykanku Furo Safaaradiisa Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Muhiimada Ay U Leedahay In Maraykanku Furo Safaaradiisa Muqdisho

 


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay muhiimada ay u leedahay in maraykanku uu mar kale dib u furo safaaradii uu ku lahaa magaalada Muqdisho.


Wasiirka arimaha dibada ee soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaabaha ay soo kordhinayso safaarada uu maraykanku mar kale uu dib uga furanayo magaalada Muqdisho.

Image result for axmed ciise cawad


Wasiir Cawed ayaa muhiimad weyn ku tilmaamay in ay Safaaradda Maraykanka dib uga howl-billowday Muqdisho muddo dheer kaddib, wuxuuna sheegay in ay wixii haatan ka billowda sare u qaadi doonto tallaabadan sumcadda Dowladnimodeenna, iyadoo uu xiriirka labada dalna nonon doono mid toos ah oo aan loo dhaxayn.


Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibbada ayaa dhanka kale bogaadiyay Dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliyeed ee Maraykanka, kaas oo ay madaxda Dowladdu ka iibiyeen bartamaha Magaalada Washington DC, wuxuuna sheegay in wixii haatan ka dambeeya aysan ka baqayn in la weydiiyo kiro ama laga saaro xarunta Dalka laga matalo.


Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawed oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa soo hadal qaaday xiriirka soo wanaagsanaanaya ee kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo tusaale usoo qaatay qaraarkii cunaqabataynta ahaa oo ay dhowaan golaha ammaanka u gudbisay Kenya in ay difaacday xukuumadda Washington.


Mareykanka ayaa dhawaan si rasmi ah shaaciyay in dib loo furay safaaraddii uu ku lahaa magaalada Muqdisho oo la xiray sanadkii 1991kii waqtigaa oo ay burburtay dhexe ee dalka,

 

Loading...
Loading...