Madaxweyne Muuse Biixi Ma Abaalgudo Ee Wuu Aargutaa ...

0
Friday October 04, 2019 - 17:29:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Ma Abaalgudo Ee Wuu Aargutaa ...

    Somaliland Waa Maskii Qoratada Qaatay, Ee Haddii Uu Tufo Indha Beelayey, Haddii Uu Liqana Kudhimanayey, Q1aad By W.H

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Waa Maskii Qoratada Qaatay, Ee Haddii Uu Tufo Indha Beelayey, Haddii Uu Liqana Kudhimanayey, Q1aad By W.H


Madaxweyne Muuse biixi la inooma qarin in uu yahay nin adag oo aan dhayal lagu soo loodin karin, haddii aanu nahay Beesha uu ka soo jeedana Markii aanu kala reebaynay isaga iyo Raggii kale ee beesha ahaa ee ku tartamayey Musharaxa xisbiga kulmiye ee ay ka mid ahaayeen Sh C/casiis Mohamed Samale,iyo Maxamed Biixi yoonis,waxa aanu ku xulanay ama ku dooranay Muuse waxa ka Mid ahaa ,haladayg, wax iska celin iyo in aanu cidna ka laaluushi doonin dalka,balse sidii aanu moodaynay may noqonin oo Haladaygii lagu Tuhmaayey wuu beenoobay, kadib markii ay Taladiisii ay ku soo ururtay in uu ka talaqaato 5 qof oo dhalinyaro ah oo ay hormuud u yihiin Xoghayntiisa gaarka ah Mr Mubaarik iyo Cabdi yuusuf Aar, Mulkiilaha Shirkadda Daabacaada ee Sagal-jet, taftaneey marba nin ku qabay ayaa islaan laga sheegayey,


Waxgaradkii iyo Aqoonyahankii Dalku lahaa waxa uu ka doorbiday Dhowr qof oo aan waayo arag ahayn balse Sacabka u jiibiya, Iyaba waa kadeed kabadh ku oodnaaye kudkii bariga dhexe iyo kiiskii falastiin dheh, Waxaa intaasiba ka sii daran sida aan kursiga dhayal looga qaadi doonin,waayo ma jiraan Xisbiyo Mucaaridda oo adag oo Bulshada Hanankara, mana jiraan Golayaal Qaran oo Xukuumadda Jirta la xisaabtami kara, sidaas darteed Somaliland Markii ay Muuse u codaysay Waxay la mid yihiin Maskii Qoratada Qaatay Haddii uu tufo wuu indho beelayaa, haddii uu Liqana wuu Ku dhimanayaa, Somaliland haddii ay Muuse Tufto  oo ay Hogaamintiisa ka hor timaado, dalku wuu burburayaa ,haddii ay ka Aamusaana Dalku horumar gaadhi maayo, waxana ragaadin doonaa Musuqmaasuq, waa laba daran mid dooro, Sideedabana muuse biixi Ma Abaalgudo ee wuu Aargutaa, Waxan garanlaayahay cidda inakala badbaadin, gaar ahaan Taageerayaasha xisbiga wadani oo aaminsan in uu Muuse biixi Waxbadan ka tanaasulo, Waxan idiinku soo bandhigi doonaa Qormooyinka soo socda waxa ay Aaminsanyihiin Muuse biixi iyo teamka Caydiga ah ee ku xeeran.
Wabillaahi towfiiq
By Waaberi Hussein
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...