Hadalkaa Buurmadoowiyo, Bisadii Hargeysiba, Hoobali Bilaashiyo, Dhidarosoo Hanbaabiray
WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYAA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA
Kaftankii Maanta ee Axmed Nuur Guruje.
HADALKAA BUURMADOOWIYO,BISADII HARGEYSIBA,
HOOBALI BILAASHIYO,DHIDARO SOO HANBAABIRAY,
HADALO UU WADKOOD GALAY,MEEL HAYSAN WEYO,
HALMAM WEEYE LABADUBA,HURGUFO INAGA SAYDH,
HAWLI WAXAY KA JOOGTAA,WAKIILKI HADAAQAYEE,
HALKUU JOOGO GARANEE,MIIDIYAH HOR TEGAYEE,
ISKU HALAYN DARAADEED,HAYBADII DALKIISIYO,
HAYBADIISI LUMIYEE,U HANJEBAY GUDOONSHA,
HOONBARO LIBAAXAY,WELIGEED HORSOCOTA,
HOODI ADIGA OON ODHAN,HAWLYARI LAGUMA GALO,
HOY UU DAD LEEYAHAY,HUBSADA MAGACU HAYSTOO,
WAXBA HAYSKU HAWLINA,AYAAN HADAL KU SOO XIDHAY.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!